Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdi uu hogaaminayo Afhayeenka maamulka Jubba oo si diiran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Wafdigan oo kasoo kicitimay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxa hogaaminayay Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax, waxaana markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha Kismaayo si diiran usoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba.

C/naasir Seeraar oo warbaahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in mudo dhan 2 bilood uu ka maqnaa gobolka, wuxuuna xusay in uu aaday dalka Sucuudiga si uu u soo guto waajibaadka Xajka islamarkaana uu mudo todobaad ka badan uu ku sugnaa magaalada Muqdisho halkaasoo uu kulamo kula qaadanayay masuuliyiinta dowladda iyo odoyaasha beelaha dega Jubooyinka.

Masuulkan ayaa sheegay in laga gudbay caqabidihii siyaasadeed ee hortaagnaa maamulka Jubba, hadda wixii ka danbeeyana la ambaqaadi doono dhinacyada nabadda iyo hoirumarka gobolka.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Suldaan Cumar Xiireey oo kamid ah salaadiinta Jubooyinka islamarkaana qeyb ka ahaa ergadii maamulka Jubba ee ka qeybqaadatay shirkii dib u heshiisiinta Jubooyinka ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Imaatinka wafdigan uu hogaaminayo afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax ayaa kusoo beegmaya iyadoo hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe uu ku suganyahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

 

C/casiis Xaaji Max’uud (Garyaqaan)

Ceegaag News, Kismayo-Somalia.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag