Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAAWO SAWIRADA:Wafdi KaSocda Ururada Midowga Yurub, Midowga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa ay maanta ka soo Dageyn Garoonka Kismaayo

Wafdigaan oo ka kala socday ururada Midowga Yurub, Midowga Africa iyo urur goboleedka Igad ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa safiirada Soomaaliya fadhiya dalalka Britain, France, Talyaaniga, Ethiopia iyo xubno kale oo ka socda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Wafdiga oo la socday labo diyaaradood ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyey masuuliyiinta maamulka Jubba oo horkacaayey Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam.

Intaasi kadib ayaa wafdiga iyo masuuliyiinta maamulka Jubba waxay wada qaateen kulamo ay albaabadu u xirnaayeen kuwaasi oo ay dibad joog ka ahaayeen weriyeyaasha.

Markii ay soo dhamaadeen kulamada labada dhinac ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Hoggaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam waxaana uu faah faahin ka bixiyey ajandayaashii ay ka wada hadleen.

Sidoo kale u qaybsamaha Midowga Yurub ee Soomaaliya Mkaa’iil oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin imaanshahooda Kismaayo waxaana uu intaasi ku daray in ay maamulka Jubba ka caawin doonaan horumarinta deegaanka iyo adkeynta nabadgelyada.

Wafdigaan ayaa noqonaayaa kii ugu miisaanka cuslaa ee soo gaara magaalada Kismaayo intii la yagleelay maamulka Jubba.

DAAWO SAWIRO:

 

Ceegaag Online-Kismaayo

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag