Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdi ka Socda Qaramada Midoobe oo Soogaarya Magaalada Kismaayo (DAAWO SAWIRADA)

Wafdigaan oo kala socday hay’adaha Qaramada Midoobay sida UNHCR, UNICEF, UNDP, WHO, WFP iyo hay’ado kale ayaa waxaa hoggaaminaayey Xoghayaha dhanka gargaarka Bini’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee  Soomaaliya Phlip Laserani, waxayna kulamo kala duwan la qaateen masuuliyiinta maamulka Jubba.

Kulamada wafdiga Qaramada Midoobay iyo masuuliyiinta Jubba Land oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay kamid yihiin sidii wadatashi looga samayn lahaa dib usoo celinta qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab Kenya, sidii ay hay’adaha Qaramada Midoobay maamulka cusub ee jubba uga taageeri lahaayeen bilowga howlaha maamulka iyo dib u dejinta barakacayaasha gudaha.

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee maamulka Jubba Gen. Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag, Madaxweyne kuxigeenka labaad Cabdulqaadir Luga Dheere iyo golaha cusub wasiirada maamulka Jubba ayaa qayb ka ahaa kulamada ka dhacay xarunta madaxtooyada Jubba ee dhexmaray masuuliyiinta maamulkaasi iyo wafdiga ka socday Qaramada Midoobay.

Ajandayaasha ay wafdiga Qaramada Midoobay usoo bandhigeen masuuliyiinta maamulka Jubba ayaa waxaa kamid ahaa in magaalada Kismaayo iyo degmooyinka Afmadow iyo Luuq laga sameeyo goobo la dejiyo qaxootiga laga soo celiyo Kenya.

Markii ay soo dhamaadeen kulamada labada dhinac oo qaatay muddo ka badan saacad ayaa waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax isaga oo ka warbixiyey waxyaabahii ay ka wada hadleen iyo weliba ajandayaasha ay isla meel dhigeen iyaga iyo wafdiga ka socday Qaramada Midoobay.

Philip Laserani oo hormuud u ahaa wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa ka hadlay ajandayaasha ay ka wada hadleen iyo muhiimadda booqashadooda magaalada Kismaayo.

Inkastoo aysan ahayn markii ugu horaysay oo wafdi caynkan ah oo ka socda Qaramada Midoobay ay soo gaaraan magaalada Kismaayo ayaa imaanshaha wafdigaan waxay kusoo beegantay xilli la qorshaynaayo in qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab dib loogu soo celiyo gudaha dalka, iyadoo sidoo kalena maamulka Jubba uu bilaabay in dhisamayaasha Dowladda laga saaro dadka deggan si loogu qabto howlaha maamulka maadaama lasoo dhamaystiray qaybo kamid ah dhismaha maamulka ee horay qabyada u ahaa.

 

DAAWO SAWIRADA:

Ceegaag Online

Kismayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag