Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wafdi Balaaran oo uu Hor kacayo Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Shekh Max’ud oo Maanta soo gaaray Magalada kismaayo(DAAWO SAWIRADA)

Wafdiga Madaxweynaha oo maal  mahan laga sugaayey magaalada Kismaayo ayaa galabta abaarro 2-dii duhurnimo waxay kasoo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Inta aysan magaalada kismaayo soo gaarin wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa saaka magaalada soo gaaray wafdi Xildhibaano u badan kuwaasi oo hordhac u ahaa wafdiga madaxweynaha,

Wafdiga Madaxweynaha oo ay qayb ka ahaayeeen xubno uu kamid yahay wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ay kazoo degeen diyaaradii siday waxay salaam sharaf ka qaateen Cutubyo kamid ah Ciidamada maamulka Jubba.

Intaasi kadib ayaa madaxweynaha waxa uu salaamay masuuliyiinta iyo saraakiisha maamulka jubba, sidoo kale dadweyne ku faraxsan safarka madaxweynaha ayaa waxay madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo qayb kala duwan isugu jira.

Soo dhoweynta kadib ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa loo gelibiyey magaalada Kismaayo waxaana la dejiyey xarunta maamulka Jubba ee magaalada Kismaayo.

Hoggaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam oo ugu horayn la hadlay saxaafadda ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyey magaalada Kismaayo isaga oo uga mahadceliyey safarkooda taariikhiga ah.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhoweynta loo sameeyey waxaana uu sheegay in safarkooga uu yahay mid nabadeed oo ay kusoo gaareen magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa caawa ku hoyan doona magaalada Kismaayo waana safarkii ugu horeeyey oo Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku yimaado magaalada Kismaayo wixii ka dambeeyey bur  burki i Dowladdii dhexe ee bur burtay sanadkii 1991-dii.

DAAWO SAWIRADA:

Ceegaag Online-Kismaayo

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag