Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wadahadaldii Turkiga oo Burburay

Iyada oo laga amba qaadayo geeddi socodka wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaal ka ee Soomaaliya si looga dhabeeyo himilada shacabka Soomaaliyeed, iyadoo laga shidaal qaadanayo heshiiskii ay Madaxweynayaha Jamhuriyadda Federaalka eeSoomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed siilaanyo, ay ku gaareen mag aalada Djibouti bishiiDisembar 2014, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen {Odowaa,} ayna xubno kayihiin Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno sare oo farsamo.
Wafdigaasi wuxuu damaanad buuxda u haystaa in uu ergada Somaliland kala xaajoodo arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah. Waxaa nasiib darra ah in wafdiga kasocda walaalaheen Somaliland oo ku sugan Istanbul, islaHoteelka uushirku kadhici lahaa uuku guuldarreystay in uusoofariisto madasha wadahadalka, isagaoo la soobaxay shuruurdo la xiriira dadka dhinaca Soomaaliya matalikara.

Labadhinac oo wadahadlaya midkoodna xaqumalaha in uu midka kale u yeeriyo cidda ay tahay in ay matasho. Arrintaasi waxay xadgudub ku tahay heshiisyadii hore loo gaaray iyo habdhaqanka caalamiga ah ee wadaxaajoodka. WafdigaSoomaaliya oo shirka la yimid niyad wanaag Soomaalinnimo, wuxuu caddeynayaa in Ergada Somaliland ay keligeed mas’uul katahay in uu qabsoomi waayay shirkani. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wadahadal shuruudla’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fariisto.

Wafdiga Dowladda Federaalku wuxuu dib ugu laabanayaa caasimadda Soomaaliya si uu wadatash I ula sameeyo Madaxda Qaranka iyo dhinacyada ay sida tooska u khuseeyaan wada hadalladani. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahad celineysaa Dowladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wada hadalka labada dhinac.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply