Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Waa Maxay Jacayl?

Waxaan ku Bilaabayaa Magac Allah ee Naxariis oo dhan iska leh

 

Waxaad jeclaatid way noocya badan yihiin, gaajo markay ku qabato waxaa ku qabanaya jacayl aad u qabtid waxaad maruun cabtid ama raamsatid waxaana ku qabanaysa waxa adduunka yaal oo dhan wada liq waa hadba xadka gaajadu kuu hayso.

 

Markaad xanuunsatid waxaad jeclaanaysaa inaad maruun caafimaadid oo dhibtaani ku dhaafto xoogaa dhaqdhaqaaqa xataa haba ahaatee ama xumaddoo ku daysa intaba waxaadse ugu jeclaan lahayd in xanuunkaasi ku dhaafo dhammaantii….

 

Faqri markaad tahay waxaad jeclaanaysaa inaad mar uun maalaysatid oo faqrigaan ka baxdid hami iyo qamiga kugu dilay kolaad xataa meel shah laga cabbo furatid…

 

Dareenka Rabbi kugu abuuray oo magacyada badan loo yaqaan markuu ku hayo waxaad jeclaanaysaa inaad heshid nafis oo jirkaa u baahan…

 

Wey fara badan yihiin waxyaabaha bani aadamku jeclaado… ayaamahaan danbe aan kaftamee waxaaba Somalida kusoo badanaysa jacayl foolxun oo ku salaysan qabiilkaaga maanta qabiil hebel buu boqolaal ka dilay… waana wax Allah laga magan galo….

 

Markaan usoo guda dego, midka banadaaba doobabku jecel yihiin ka hadalkiisa ee ah kan ku salaysan baahida labada qof isu qabaan ee qaatay magacii guud ee ah Jacayl, Caashaq, iwm..

 

Jacaylkaasi wuxuu u kala baxaa labo…

 

1.      Jacayl dhalanteed ah oo baahi dareen keento (lust)

2.      Jacayl dhab ah  (love)

 

Labadaa dareen lama kala garan karo markuu hayo labada sheekadu ka dhaxayso,

 

Jacaylka Dhalanteedka ah

 

Jacaylka dhalanteedka ahi waa jacayl ka abuurma baahida qofka jirkiisu u qabo qofka kale ee ka duwan ee lab iyo dhedig kala ah, sidaad dhadhansiga magaca ka garankartid wada sheekaysiga dhex mara labada qof khiyaali iyo sasabasho ayaa saldhig u ah… xaqiiqdiina heer wuxuu gaarsiiyaa labadaas ruux ay naftoodu xaqiiqsato inay sitoos ah oo dhab ah isu jecel yihiin…. Wuxuuse dhammaadaa oo runtiisu soo baxdaa markii labadaas ruux ay sariir kuwada kulmaan….

 

Inta bandanna jacaylka Somalida u badan yihiin waa midka dhalanteed ka ah waxaana sababaya habka ay waayadaan danbe u sheekaystaan oo beenta ku dhisan iyo indhahooda oo haga oo ay isku raacaan aragtida qofka ka muuqata waa meesha quruxda loo yaqaane…

 

Waxaa kaloo ayaamahaan danbe can ku noqotay dhallinta maanta inaan la eegin ruuxa u roon ee ay ku mashquulaan dadka kale faalada ay ka bixinayaan qofka ay wada socdaan… sida hebla ma aragtay midkay la sheekaysato ilaahbaa og inaadan dibadda kasoo xaraysan iyo hebla ma aragtay saaxiibkeed quruxdii adduunka loo dhammeeyey allow yaa igasiiya… marka hablaha haatan jira iyagoo ka cararaya inaan asxaabtoodu ku caayin ruuxa ay la socoto ayeey bohol ka dhacdaa iyadoon nafteeda ruux qancin lahaa eegayn ee eegaysa ruuxa dadka kale qan cinaya… waana arin qaab daran sababtoo ah waxaa muhiim ah nolosha guriga aad kula nooshahay ruuxa aad dooranaysid ee dadka kale guriga wax kuugu qaban maayaan hadaad ku dhibban tahay…

 

Waxaa kaloo jirta in sheeko dhalanteed ah ay kuwada socdaan labadaa ruux ee indhahoodu hageen iyo dadka ku xeeran qiimayntooda…. Waxaa Iyana dhacda marka gabadha wiilka ay la sheekaysato ku ballamaan inuu yimaado gurigooda, markii la gaaro waqtigii uu kusoo beegnaa guriga ayey waxay nadiifisaa aqalka oo dhan meel kastana waxay ka dhigtaa nal, waxay kaloo nadiifisaa dabcigeeda oo waxay iska ilaalisaa wax kasta oo xanaaq ku dhallin kara wiil kaas ay la sheekaysanayso. Wiilka laftigiisu dharka nooca ugu danbeeyey iyo barafuun ayuu iska soo buuxshaa, wuxuuna soo nadiifiyaa dabcigiisa oo waxuu iska ilaaliyaa wax kasta oo gabadhaasi dhibsan karto.

 

Waxaa markaa isu yimaada laba qof oo aad moodo malaa’ig dabci wanaagooda…. Macaane iyo macaanto waxaan ahayn is oran maayaan… waxaa meeshaas ka baxaya abuurtii Rabbi ku abuuray ee ahayd dabcigooda qof kasta u gaarka ah… hadday xanaaq badnaayeen, hadday masayr badnaayeen, hadday kaftanka ku kala duwanaayeen dhammaan meeshaas iman mayso… hadalkaa tiraahdaa jira iyo kaagaa kasii daran baa laysku daldalayaa…

Halkaas waxaa kasii kordhaya dareenkooda isu baahnaanshaha dhanka sariirta ah meel xadka adkaysiga bini aadamka ka baxsan gaara ilaa qof kastaa jeclaysto in meher dhaco ama guur aqal gal ahi dhaco….

 

Markii sariirta laysku arko oo karkii dego ayaa waxaa banaanka imanaya waxyaabihii markii hore la dabooli jiray ee ahaa dabcigooda ay ku abuurnaayeen, waxaa bilaabanaysa is karahsi iyo muran xad dhaaf ah… illayn karkii dareenku keenay dhac, xiisihii dareenku keenay shaqadiisii dhammaatay… bilo ama maalmo ka bacdi waxaa timaada aan kala quwaaxsano oo banaanka kala marno, halkaas ayaa jacaylkaas dhalanteedka ahi ku dhammaadaa…. Waana xaqiiqda hadda ka jirta dhallinteena danbe oo aan guurkoodu u raagin… jacaylkaas waxaa la dhahaa dhalanteed dareenka lagu abuuran yahay keenay iyo shukaansi xumo waayadaan danbe haraysay Somalida…

 

Jacaylka Dhabta ah

 

Isaga laftiisu kama marna u baahnida rabitaanka qofka ku abuuran ee ah inuu raadsho waxa Rabbi ku abuuray ee u baahan qancinta,  afka qurxoonna lagu yiraahdo dareen… wuxuuse kaga duwan yahay kan dhalanteedka ah qofka waxaa haga maskaxdiisa iyo qalbigiisa ee indhihiisu ma hogaanshaan, waxaana soo jiita ruuxa kale dabcigiisa isagoon ama iyadoon u aaba yeelayn muuqa qofkaasi leeyahay ee Allah ku abuuray…

 

Markay sheekaystaan labadaas ruux ee qalbigoodu hoggaanka u yahay sheekadadoodu dhaqso uma dhammaato layskuma caajiso, been iyo hadal aan qalbiga gaarsiisnayn laysma yiraahdo sida macaane iyo macaanto, shankaroon iyo lix karoone, la’aantaa abaar iyo la’aantaa dhimashaan ka xigaa… waa halkii gabyaagii ka yiri fool wada qayaxan iyo qosol aan dibnaha gaarsarayn oo laysu qarinaayo… duulkaas qalbigoodu hagayo malaha dhaqanka noocaas ah…

 

Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa isa soo jiidanaya dabcigooda, markay kala maqan yihiin waxaa kusoo maaxanaya hadaladii ay ku sheekaysanayeen, dhib waxaa ku noqota intay kala maqan yihiin…

jacayl dhab ah…. waa naxariis qofka Rabbi ugu beeray qofka kale oo ku beeranta qalbigiisa… wax kasta oo xumaan ama dhib ah uma ogolaado in qofkaas uu jecel yahay gaarto haba yaraato ama haba waynaatee…. wuxuuna usoo dhowyahay kan waalidku ilmihiisa u qaado oo ah naxariistaas Eebe ku beeray waalidka caruurtooda ay dhalaan…. markii labadaas ruux oo jacaylka dhabta ah isu qaba sariirta ku kulmaan waa sii siyaadaa oo maalinba maalinta ka danbaysa waxaa usii korodha rabitaan xad dhaafa ilaa ay gaaraan inaanay kala maqnaan karin saacado hadday muuqaal ahaan u kala maqan yihiin maskaxda ayaanu ka faaruqayn qofba qofka kale oo uu ka fakarayaa… markaad xasuusatid kalmad qofkaad jeclayd ku yiraahdo shir dhexdiis adigoo ka qoslayaad is arki…

Jacaylka dhabta ahi wuxuu kaloo dhex maraa laba qof oo saaxiibay ama wada rag ha noqdeen ama wada dumar ha noqdeen ama dumar iyo rag hanoqdeen iyagoon damac dareen dhex gelin runtiina labadaas qof oo ku saaxiibay walaaltinimada damac dareemid ma dhex maro markay kala yihiin lab iyo dhedig inkastoon saaxiibnimada dhalisa jacaylka dhabta ah aan Somalidu lahayn. Wuxuuse ku badan yahay jacaylkaas saaxiibtinimada ahi qaaradaha kale, labadaas ruux ee saaxiibka ahi naftay isu huraan jacaylka walaaltinimo eek a dhaxeeya awgiis…

 

Gabagabadii…. Jacaylka dhabta ahi waa naxariis Rabbi laba qof qalbigooda dhex dhigo oo xumaan iyo lugooyo ka xalan…

Marka somaliyeey ogaada haddii indhihiinu idin hagaan oo aydaan maskaxdiina iyo qalbigiina isticmaalin waa adkaanaysaa inaad heshaan lamaane kula qaybsada nolol qurxoon…

Laba arimood ku xulo qofkaad doonaysid inaad nafta la qaybsatid… labana haku xulan..

·         Ku xulo Dabciga Rabbi siiyey ruuxaas

·         Aqoonta iyo garashada wanaagga ah Rabbi ku manaystay qofkaas….

Sababtoo ah labadaasi qofka kama dhammaato oo waa la gaboobaa guurna wuxuu ku fiican yahay inaad isla gaboowdaan ruuxaad nafta la qaybsatay ilaa Rabbi swtc idinka kala oofsado oo midkiin dhinto ama aad wada dhimataan….

·         Haku raacin muuqa iyo quruxda kaaga muuqata

·         Hana ku raacin maalka iyo xoogga uu leeyahay

Labadaasi qofka lama gaboobaan oo markuu gaaro xad quruxdii dhammaatay oo gabowbaa yimi… xooggii isna tag oo gabowbaa dul yimi…. Tan labaad noole ma jiro hadduu jirana Allah ayaa arsaaqdiisa ballan qaaday sida kitaabkeena kariimka ah ku taal kii maanta taajirka ahaa berri inuu faqri taabto macquul kii maanta faqiirka ahaa inuu berri maal Rabbi siiyo macquul…

 

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad Ciiltire

Email: Guurey@hotmail.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply