Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ururka Saxafiyiinta Madaxa banaan ee Jubbooyinka JIJA Ayaa Xaflad ay Maanta ku Qabteen Hotel Qiill Mawaaye ee Magalada Kismaayo ku Shaaciyay Hogaan Cusub oo uu Yeelan Doono Ururka JIJA (DAAWO SAWIRADA)

Munaasabadaan oo ka dhacday hotelka Qiilmawaaye ee  magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu soo bandhigay hogggaan cusub oo ay samayteen saxafiyiinta gobolada Jubbooyinka.

Munaasabadda oo ay soo agaasimeen saxafiyiinta magaalada Kismaayo ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin katirsan maamulka Jubba, waxgarad, aqoonyahano, haween, maamulka Sportiga gobolka, saxafiyiinta kala duwan ee ka howlgala magaalada Kismaayo iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha cusub ee ururka saxafiyiinta madaxa banaan ee gobolada Jubbooyinka kaasi oo loo soo gaabiyo JiJa Khadar Maxamuud Xareed  oo xilkaasi loo doortay ayaa shaaciyey xubnaha kale xilalka ka haya ururka saxafiyiinta gobolada Jubbooyinka ee JiJa.

Masuuliyiin katirsan maamulka Jubba Land oo uu kamid yahay Madaxweyne kuxigeenka koowaad Gen.Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Gen Maxamed Warsame Faarax Darwiish, Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax, Guddoomiyaha degmada Kismaayo Cabdulaahi Cabdi Yuusuf Qaldaan iyo xubno kale oo  ay kamid yihiin kuwa bulshada rayidka ah ayaa munaasabaddo hadallo soo dhoweyn ah kasoo jeediyey iyaga oo balan qaaday in ay sida ugu wanaagsann ula shaqayn doonaan maamulka cusub ee ay samaysteen saxafiyiinta Jubbooyinka.

 

DAAWO SAWIRADA:

 

Ceegaag Online

Kismayo-Somalia

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag