Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Unugtii ugu Horeysay ee Ciidamadii Bare Hiiraale ee fadhiyay Duleedka magalada kismaayo oo isa soo dhiibay(DAAWO SAWIRADA)

Munaasabad kooban oo manta ka dhacaday Goroonka diyaaradaha Ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu soo bandhigay Qayb kamid ah Ciidamadii Ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo oo ay tiradodu garayso 10 Askari asagoona hor kacayay Ku xigeenka kowaad ee ciidamada Bare Hiiraale Mahada faragurow.

Munaasabadan oo ay ka qayb galeen Masuuliyiin uu kamid yahay madaxweyne  ku xigeenka Koobad Ee maamulka KMG ah Ee juba Cabdulahi sheikh ismaacil fartaag, wasiirka arimha gudaha iyo amniga Maxadmed warsame faarax Darwiish iyo Afayaheenka maamulka Cabdi naasir Seeraar maax waxaa sidoo kale madasha fadhiyay  taliska koobad Ee Ciidamada Kenya iyo Masuul kasocday xafiiska Qaramada midoobay ee soomaaliya oo lagu magacabo Binjamiin.

Ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Afayaheenka maamulka KMG ah Ee juba Cabdinaasir seeraar maax  waxaana uu yiri sidoo kale waxaa kahadlay madasha m/kuxigeenka kowaad  jen: Farataag iyo wasiirka arimaha Guda iyo Amniga Coll Darwiish ayagoona sheegay in ay soo dhaweynayaan ciidamadan.

Saktar kumandarka  Taliska koobad Ee ciidamada kiinya Raariyaa  masuulka lagu magacabo ayaa sheegay in Askartan ay hordhac u yihiin Qorshe balaaran oo lagu midaynayo Ciidamada maamulka juba

Wakiilka kacday xafiiska Qaramada midoobay Ee soomaaliya ayaa isna madasha ka hadlay waxaana uu sheegay in dhawaan ay bilaaban doonan Qorshaha lagu soo xaraynayo Ciidamada duleedka magaalada jooga

Arintan oo noqonaysa tilabadii ugu horeysay oo ladoonayo in dib loogu sooceliyo ciidamada ku sugan Duleedka magalada kismaayo  uu hor kacayo Bare aadan shire Bare hiiraale.

DAAWO SAWIRADA:

Ceegaag Online

Kismayo-Somalia

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply