Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ugaas Abdillahi Ciise oo ku geeriyoodey dalka Turkey-ga.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

”KULU NAFSIN DAA’IQATUL MOOTI”

Waxaa dalka Turkiga ku geeriyooday ALLAHA u naxariistee Ugaas Abdillaahi Ciise Nuur oo kamid ahaa isimada Khaatumo. Ugaas Abdillahi ayaa in mudo ahba ku xanuunsanayey hospital ku yaala magaalada Istanbul ee caasimada dalka Turkey.

Geerida Ugaas Abdilahi Nuur ayaa si weyn looga dareemay dalka Soomaaliya waxayna geerida Ugaaska si gaar ahaaneed u taabatay bulshada reer Khaatumo meelkastooy joogaanba.

Waxaa Tacsi nasoo gaadhsiiyay Madaxda hay’adda  SCERDO oo ay ugu horeeyaan C/qafaar Cali Wadaad (Xaaji), Jamaal Xaaji Cali Cilmi, Yaasiin Maxamed Cawaale, sidoo kale waxaa tacsi nasoo gadhsiiyay Dr. Cali Cawl Xuseen iyo xaaskiisa & caruurtooda, General Maxamed Cali Abokor (J.Qowle), Hussein Fiin iyo xaaskiisa, Liibaan Fiin,  Abdifatax Aaden Isxaaq, Mohamed C/llaahi Qoorleex iyo xaaskiisa, Col. Cawil Axmed Xirsi, Abdi Buraale, Abdulkadir Kaarshe iyo Khaalid Saalax Maxamed Lacle  iyagoo tacsi u diraya dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshoweynta Khaatumo iyo Eheladii Ugaas Abdillahi waxayna ILLAAHAY uga baryaya inuu naxariistii janno kawaraabiyo  AAMIIN…

Sidoo kale Dhamaan Bahda Ceegaag.com Ayaa tacsi u diraya qoyskii iyo qaraabadii iyo waliba shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Ugaas Abdillahi Ciise waxaanan leenahay Samir iyo Iimaan ilaahay ha idinka siiyo Marxuumkana Janadii Fardowso Alle ha kawaraabiyo. AAMIIN.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply