Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

TOP NEWS:Maamulka Jubba oo la sheegay inuu ku gacan-seyray codsi ugaga yimid Barre Hiiraale

Saaka dadka Kismaayo waxay ku soo tooseen warar is khilaafsan oo sheegayay in uu maamulka KMG ah ee Jubba isku soo dhiibay Kornayl Barre Aadan Shire Hiiraale oo dhammaadkii bishii June dagaal looga saaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wararkaasi waxay ahaayeen kuwa ay ku jaah wareereen dadweynaha Kismaayo, isla markaana aan lahayn meel loo raaco, haddaba shabakadda Ceegaag ayaa u kuur gashay arrintaasi.

Xog rasmi ah oo aan ka helnay arrintaasi ayaa qeexaysa in Kornayl Barre Hiiraale uu khadka taleefoonka kula soo xiriiray ku xigeenka hoggaamiyaha maamulka Jubba, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Barre ayaa ka codsaday Fartaag in uu isa soo dhiibo, waxaana uu waydiistay dammaanad ah in aan la dhibaatayn marka uu yimaado magaalada Kismaayo.

Jeneraal Fartaag ayaa arrintaasi u bandhigay saraakiisha kale ee maamulka, waxaana khadka taleefoonka lagula xiriiray hoggaamiye Axmed Madoobe oo haatan Kismaayo ka maqan. Go’aankii ay mas’uuliyiinta Jubba ka qaateen arrinta Barre Hiiraale ayaa noqotay in loogu jawaabay ‘maya’ oo ah in uusan isku soo dhiibi karin maamulka KMG ah ee Jubba.

Isla wararka hoose waxay sheegaayaan in Jeneraal Fartaag uu u riyaaqay codsiga Barre isla markaana uu soo jeediyay in laga aqbalo dalabkiisa, hase yeeshee ay taasi ku gacan-seyreen saraakiisha kale ee maamulka Jubba.

In Barre Hiiraale uu maamulka Jubba ka dalbado magangelyo siyaasadeed ayaa loo maleynayaa inay ka dambayso kaddib markii magaalada Kismaayo laga saaray ciidamadii maamulka kuwaas oo isku diyaarinaya howlgallo ka dhan ah ciidanka Barre ee fadhiya deegaanka Goobweyn iyo dagaalyahannada Al-Shabaab oo aan halkaasi ka fogeyn.

Ceegaag Online-Kisamaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag