Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tiradii Ugu Badnayd ebid Ardayda Jaamacadda Muqdisho Oo U Fariisatay Imtixaanka Ogolaanshaha ama Qabuulka.

Agoost-25-2015(Ceegaag)Kumaan kamid ah ardayda Soomaliyeed ee isugu jira hablo iyo wiilal ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25/8/2015 ufariistay imtixaankii qabuulka ama ogolaanshaha kamid noqoshada Jaamacadda Muqdisho sanad waxbarashadeedka 2015-2016.
Imtixaankan ayaa ka bilawday dhamaan xarumaha kala duwan ee ay jaamacadu ku leedahay magaalada muqdisho iyadoo ardaydii imtixaankan u fariisatay wajiyadooda laga dheehan karayay dadaal ay usoo diyaar garoobeen gelida imtixaanka
Diiwaan hayaha guud ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xasan Nuur oo lahadlayay warbaahinta qaybaheeda kala duwan ayaa u umahad celiyay dhamaan ardayda maanta u fariisatay imtixaanka qubuulka ama ogolaanshaha iyo waalidka soomaaliyeed kalsoonida ay siiyeen jaamacadda muqdisho, wuxuuna sheegay in sida lagu yaqaano jaamacada muqdisho ay iyadana kaalinteeda dhanka waxbarashada gudan doonto.
Mar uu ka hadlayay Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa tilmaamay in kuliyadaha imtixaanka lagalayay ay yihiin 9 kuliyadood oo ka kooban 29 takhasus oo ay Jaamacadda Muqdisho bixiso.
Jaamacada Muqdisho oo kamid ah jaamacadaha ugu facwayn soomaaliya gashayna kaalimaha ugu horeeya jaamacadaha qaarada afrika ayaa soo saartay arday wax badan u taray shacbigooda Soomaaliyeed dal iyo dibadba.


Ceegaag-muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply