Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tirada dadka Soomaalida 2013-2014 oo la shaaciyay iyo Maamul goboleedyo ka hor yimid

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayay wasaaraddu ku sheegtay  natiijo ka soo baxday xog-ururin tirakoob la qaaday 2013 iyo 2014 oo ay si wadajir ah isaga kaashadeen Wasaaradda qorsheynta, maamul goboleedyada iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dadweynaha ee UNFPA. Xog ururinta oo lagu saleeyey 18-kii gobol ee Soomaaliya ka koobneyd ka hor dagaaladii sokeeye waxayna natiijadii noqotay in tirada dadka Soomaalida ay tahay 12-milyan.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah  Cabdiraxmaan Yuusuf Cali ayaa sheegay in sahankan ay ku ogaadeen, in 74% shacabka Soomaaliyeed ay da’doodu ka hooseyso 30 sano, halka 10% ay yihiin dad gudaha dalka ku barakacay.

Maamulada dalka ka jira ayaa intooda badan ku gacan seyray tirada ka muuqata tirakoobkan cusub oo lagu qaaday sahan dhinaca hawada ah ee aan ahayn mid dadka si caadi ah loo tiriyay,  waana qaab ka mida siyaabaha dadka loo tirakoobo.

Gobolka Banaadir ayaa dadka ku nool wuxuu tirakoobku sheegayaa inay 1,650,277 oo micnaheedu yahay in caasimada ya ku nool yihiin dad wax yar ka badan Milyan iyo Bar, iyadoo taasi meesha ka saareyso warar hore oo caasimada dadka ku nool lagu sheegi jiray 2 ilaa 3 milyan oo ruux. Sidoo kale waqooyi galbeed oo Hargeysa ku jirto ayaa dadka ku nool lagu sheegay wax in yar ka badan 1,200,000. Halka  gobolka Bari oo dhan oo Boosaaso ay ku jirto dadka ku nool lagu qiyaasay dad in yar ka badan 700,000.

Wasiirka qorsheynta ayaa hore u sheegay in maamulada dalka ka jira sida (Somaliland iyo Puntand) ay diideen markii loo bandhigay tirakoobkan iyagoo ku dooday in dadkoodu ka badan yahay inta tirakoobka sheegayo.

Xigasho: goobjooge.com

Wakhtiyada Salaada

Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 
Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply