Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tartanka Duqa ama Duqda Magaalada Boston oo codkii Soomaalidu noqday abid mid lagu gorgortamayo

Tartanka Mayornimo ee magaaldan Boston ayaa haatan ku jira wigii ugu danbeeyay ee wareega 1aad tasoo wixii ka danbeeya Talaada bishu tahay Sept 24, 2013 ay isku soo hadhi doonaan oo kaliya labo musharax. Waxaa tartamaya 11 raga iyo hawenay lix kamidi waa madow nin Isbaanish ah iyo nin Yuhuudi ah iyo intakale oo cadaana. Tasoo keentay in codadkii shacabku si isleeg ugu qaybsamaan tartamayaasha waayo 57% dadka degan magaalada Boston waa dadka lagatirada badan yahay wadankan Maraykanka iyagiina waxaa u sharaxan in kabadan 7 musharax tasoo keentay in codka dadka Afikaanka ah uu noqdo mid isagu banaanka iska yaala oo aan cidina jeebka ugu jirin.

Dadka Soomaalida ah ayaa ah daka ugu badan Afrikaanka degan magaaladan Boston, taa soo qasab ka dhigatay in xusulduub loo galo sidii loo heli lahaa codkooda.  Hore ayaa laaga soo daayay sida tartanku usocdo SOMSAT.TV hadana Ceegaag kadaawada sida uu tartanku yahay wiiga udanbeeyay oo Soomaalidii laftigoodii ukala xaglinayaan cidii loo codeen lahaa labada musharax ee ugu cadcad ama la filayo inay isku soo hadhaan.

Waxaa socota qaban qaabada xaflad wayn oo wada tashi ah taasoo Soomaalidu doonayaan inay isugu yimaadaan si meellaysla dhigo qodobada musharixiinta laga saxeexayo oo hadii ay jagada Mayarnimo ku guulaystaan ladoonayo inay u fuliyaan jaaliyada Soomaalida oo haatan ku baraarugtay guud ahaan Siyaasada gobolkan Massachusetts.

Goobta uu shirkan kadhacayo ayaana wali la go’aamin balse aanu dhawaan idiin soo gudbin doono iyada oo goobtu ku xidhnaandoonto hadba sida musharixiintu usoo baxaan tasoo ku tusasa ilaa hada inaan war loo hayn cida soo bixi doonta. balse waxa kaliya ee la hubaa ay tahay inaan cidna cod ku shuban doonin oo musuqmaasuq aan laga aqoonin wadankan Mareekanka marka ay timaado u codeenta madaxda dalkan.

Daawo Tartanka

 

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag