Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tartan Riwaayadeed Dhexmaray Ardayda Iskuulada Degmada Kaaraan& Jowhar.

Waxaa maalintii khamista June 11 kadhacayxarunta degmadaKAARAN eemagaaladamuqdishokulantaratanfaneed u dhexeeyey iskuulo kuyaallo degmada KAARAAN ku wasoo kalaahaa DAALO, Al-ANSAAR, Al-MUHARRAM, iyo iskuulka Al-Imra ku wasoo ay maamulka degmada kutartansiinayeen ardada iskuulada iney so bandhigaan riwayado kusabsan AMNIGA, NADAFADDA, CANSHUURAHA, iyo ISDHEXGALKA BULASHADA& DEGMADA.
Waxaa kulanka kasoo qeybgalay madaxda ugu sareysa degmada o u ugu horeyo gudomiyaha degmada KAARAAN AHMED HASAN YALAHOW, kuxigenkisa dhanka siyasadda iyo ku xigenkisa dhanka amniga, waxakulankaaad u camir ay ka soo qeybgalayaalka kala yimid dhaman waaxaha ay ka koobantahay degmada kaaraan iyo taagerayaal ka kala yimid iskuuladi ay ardayda dhiganayeen.
Waxaa kulanka furay gudomiyaha degmada kaaraan asagoo kacodsaday ka soo qeybgalayasha in ay isdejiyaan waxna ka fahmaan bandhigga ardayda soo jedindoonan.
Tartanka oo mudo saacad ah qaatay oo kooxuhu ay min 25daqiiqo lahaayeen waxa ay kooxuhu so bandhigeen ruwayado katarjumaya canshuuraha, nadafadda, isdhexgalka bulshada.Waxa ay gudigiitartanka kaalinta ugu horeysa ama koowaad u aqoonsadeen ardaydii ka socotay iskuulka ama madarasada daallo ardaydaas oo soo bandhigay ruwaayad ka tarjumeysay muhiimada canshuur bixinta kaalinta ay kuleedahay bulshada
Waxaa gabagabdii xaflada ka hadlay ku xigeenada gudoomiyaha dhanka siyaasada iyo ku xigeenka dhanka amniga waxayna makarafoonka ku soo dhaweeyeen gudoomiyaha degmada
Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku bilaabay Waxaa farxad weyn inoo ah in caawa aan isku baraarujineyno in dadkeena aan usheegno muhiimada ay nooleedahay bixinta cashuuraha waan hubaa hadii qof kasta oo inaga mid ah hadii uubixiyo canshuurta aan la arkeen qof baahda waxay soomaalidu ku maahmaahdaa (BIYO SACABADAADA AYAA LOOGA DHERGAA) waxaa wanaagsan in bulshadeena ay ku baraarugto in mid ahaadaan gacmahana is qabsadaan aana kutaakuleyno dowladeena wax walba oo ay inoogu baahato
Gebagabadii waxaa gudoomiyaha abaal marino siiyey ardaydii iyo iskooladii kaalimaha wanaagsan galay waxayna xafladii ku soo gebagaboowday jawi quruxbadan dadweynihii ka soo qeybgalayna ay ka maqsuudeen.

ARDAYDA DUGSIYADA DEGMADA JOWHAR OO TARTAN SUUGAANEED LOO QABTAY

Maamulka degmada Jowhar oo kaashanaayo maamulka sare ee gobolka
shabeelaha dhexe ayaa tartan suugaaneed u qabtay ardayda wax kabarata
dugsiyada magaalada Jowhar.
Tartankaayaawaxaakaqaybgalay dugsiyada kala ah Imaamushaafici, ShiikhXanafi, ShiikhXuseenCadde,iyoHorseed oo kukalayaalolabadaxaafadoodee HORSEED iyo
HANTIWADAAG.
Tartankan oo ay dugsiyada diyaarinaayeen muddo bil ah ayaa wuxuu qaybkayahay barnaamijka isdhexgalka bulshada oo kasocdey qaarka
mid ah degmooyin kagobolkaShabeelahadhexe.

KusimahaGudoomiyahaDegmadda Jowhar, Mudane Xasan BarowBocor ayaa
yiri “Waxaankufaraxsanahay inaan maanta goobjoogkanoqdo tartankaan
quruxdabadan, wuxuuna ififaalo uyahay in ay jirto dhalinyaro aan
kukalsoonaankarno inaykafiicankanoqonkaraan wanaajinta xiriirka
bulshada kadhexeeyo ayadoo hal-abuur la adeegsanaayo”.

Duqa Magaalada Jowhar Mudane Saalax Muudey oo sidoo kale kahadlay
munaasabaddatartankaa ayaa dhankiisa kahadlay dhalinyarada waxbarto
iyowaajibkakasaaraan barashada iyokudhaqanka suugaanta
Soomaaliyeed, waxa uunaku booriyay ardaydii tartanka inayku
kalsoonaadaan garsoorka iyo natiijada uu soosaaro.

Tartankaan ayaa waxaa u kasocdayTodobaadyadii la soodhaafay
Degmooyinka Gobolka iya doo ardayda kaqayb-geleysa ay kusoo
bandhigeenn arimaha quseeyo is dhexgalka bulshada sida amniga,
nadaafadda, iyocanshuuraha.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply