Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tartan ciyaareed loo qabtay shanta xaafadood ee magaalada Kismaayo islamarkaana lagu soo dhaweynayay xubnaha golaha wasiirada cusub ee maamulka Jubba ayaa maanta lagu qabtay garoonka kubadda Cagta ee Kismaayo (DAAWO SAWIRADA)

Waxaa maanta si toos ah u furmay Tartan ciyaareed ay ku baratamayaan shanta xaafadood ee magaalada Kismaayo, kaasoo lagu maamuusayo golaha cusub ee wasiirada maamulka Jubba ee dhawaan lagu dhawaaqay.
Ciyaartan oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo ay kamid yihiin Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga, Max’ed Faarax Warsame (Darwiish), afhayeenka maamulka Jubba,  C/naasir Seeraar Maax, gudoomiyaha degmada Kismaayo C/laahi Qaldaan, madaxa xiriirka kubadda cagta ee gobolka iyo dadweeyne aad u tiro badan.
Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagte ee gobolka J/hoose Burhaan Max’uud Xasan (Kukuuyu) ayaa ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay ciyaaraha ay maanta fureen .
Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax ayaa isna goobta ka hadlay, waxa uuna ku booriyay dhalinyarada isboortiga in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

Dhamaan masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa u hambalyeeyay xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose, oo ay ku amaaneen horumarka uu gaarsiiyay isboortiga gobolka, waxaana ugu danbeyntii goobta ka hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ee maamulka Jubba Max’ed Faarax Darwiish.
Intaa kadib ayaa waxa bilaabatay ciyaartii oo dhexmareysay kooxaha Farjanno iyo Guulwade, waxaan ciyaartani ay ahayd mid aad u xiiso badan islamarkaana ay kasoo qebgaleen boqollaal qof oo dadka reer Kismaayo ah.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro, waxaana maalmaha soo socda is arki doona kooxaha  kale ee kubadda cagta ee ka dhisan xaafadaha magaalada Kismaayo.

DAAWO SAWIRADA:

 

 

Ceegaag Online

Kismayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag