Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga oo Shalay Xilka la Wareegay

Ceegaag Sept 27, 2015: Muqdisho. Munaasabad uu xilka kula wareegayeen taliyaha iyo abaanduulaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed, ayaa waxaa ay maanta ka dhacday xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidanka, qaar ka mid ah danjireyaasha dowladaha caalamka u fadhiya dalka, taliyeyaasha ciidamada booliska iyo nabad sugidda qaranka iyo marti sharaf kale.

Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi “Indho-qarshe” ayaa tilmaamay in ay ku guuleysteen gacan ku heynta deeganno badan oo ay horey bulshada ugu dhibaateyn jireen kooxda UGUS, isagoo guulaha ciidanka ay gaareen ay bogaadiyeen.

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha ciidanka Sareeyo Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa balan qaaday in howsha loo idmaday ay halkeeda ka sii wadi doonaan, iyagoo codsaday in lala shaqeeyo oo gacan lagu siiyo waajibaadka loo idmaday.

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa ayaa ku amaanay taliyihii hore iyo abaanduulihiisa waxyaabaha ay ka qabteen ciidanka. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ugu dambeyntii goobta hadal kooban jeediyay ayaa kula dar daarmay hogaanka cusub ee ciidanka xooga dalka inay si hagaagsan u gutaan waajibaadka loo idmaday.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply