Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tacsi: Xildhibaan Marxuum Cawad Ahmed Cashara oo maanta magaalada Toronto ee wadanka Kanada ku geeriyooday

Inaa lilaahi, wa inaa Ilaahi raajicuun. Madhinta waa ILLAAH.   Xildhibaan Marxuum  Cawad Ahmed Cashara oo magaalada Toronto ku geeriyooday. Cashara ayaa ahaa geesi wadani ah, Ilaahay waxaan uga baryanaa inuu qabriga u waasiciyo Qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay iyo umada Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Cawad Axmed Cashara oo xalay ku geeriyooday magaalada Toronto.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxwyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumka oo ka mid ahaa Barlamaankii dowladdii kumeel gaarka ahayd, uu u soo shaqeeyey dalkiisa xilli adag isaga oo kaalin muhiim ah kulahaa sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

“Alle ha u naxariisto Xildhibaanka, waxa uu inta ugu badan nolashiisa ku bixiyey ururinta taariikhda Soomaalida, isaga oo ka mid ah dadka sida gaarka ah isugu xilqaamay baarista iyo qorista taariikhdeenna soo jireenka ah.”

Waxaa tacsi tiiraanyo leh nasoo gaadhsiiyay madaxa SCERDO ee Edminton Jamaal Xaaji Cali iyo dhamaan shaqaalaha SCERDO ayaa tacsi u diraya qoyskii Axmed Casharo. Sidoo kale madaxa SAYPA   Yaasmiin Daahir odaygeeda Xuseen Fiin iyo dhamaan shaqaalaha SAYPA-Boston, ayaa tacsi u diraya qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Axmed Cashara.

Nalo daawo qudadiihiisii ugu danbeeyay noloshiisa ee uu ku hoga tusaaleenayay umada Soomaaliyeed

Cawad Axmed  Casharo oo lagu waraystay ma-dasha 60ka soona ban dhigay xogo muhim ah

Madasha 60ka: Cawad Axmed  Cashara oo ku daah rogay dadka bahdilaya Soomaaliya

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply