Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Tacsi Tiiraanyo leh oo dhaamaan shaqaalaha iyo Maamulka Ceegaag.com u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii Marxuum Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax iyo umada Soomaaliyeed

Inaalilaahi Wainaa ilayhi Raajicuun.

Dhamaan Shaqaalaha iyo Maamulka Ceegaag.com waxay tacsi u dirayaan qoyskii iyo qaraabadii Marxuum Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax. Sheekha ayaa gacan ka xaqdaran ku dishay Salaadii Casar shalay shalay jimcihii.

Sheeka oo ahaa dhalintii Soomaaliyeed ee Jaamacada Islaamka ka soo baxay. Habka uu u dhacay Dilka Sheekha ayaa daliil u ah inuu sheekhu ahaa nin Khaatumadiisu wanaadsan tahay. Sheekha ayaa lagu dilay mowqifka mabda’a Diinta Islaamka taasoo ka dhigasa nin Shahiida.  Sheekha waxaa la’dilay Maalin Jimce ah, Taasoo daliil u ah inuusan Qabri cadaab lahayn. waxaan ilaahay uga baryanaa in Sheekha inuu ugu danbi dhaafo masiibadaa dilka ah ee sida ka xaqdaran ku fulisay.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeesay dilka sheekha taa soo calaamad su’aal saarasa cida dhabta ah ee ka danbaysay dilka sheekha arintan oo looga baahan yahay dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay indhahooda u furaan dadka doonaya inay indho tiraan ee ka laynaya Culimadooda.

Ceegaag.com ahaan waxaan ugu baaqanaa dhamaan Culimada Soomaaliyeed inaysan ku hawo jabin kagana caajisin mabda’a fidinta dacwada, falalka fulaynimada leh ee cadawga Islaamku shirqoolada ugu maleegayaan balse ay ku dhiiradaan sidaa sheekheenaa GACAMEY ilaahay janadii fardowsa ahyd ha a waraabiyee.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag