Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

TACSI: ILAAHAY HA U NAXARIISTO QORAA ABUU XAMSA OO GEERYOODAY

Qareen Sheekh C/raxmaan Xuseen Samatar “Abuu Xamsa”  waxaa uu ku dhashay duleedka magaalada Hargaysa gaar ahaan tuulada layiraahdo Boqol jire sanadkii 1936kii.

Quranka Kariimka ah waxaa uu ku bartay isla tuuladaasi,kadibna waxaa loo kaxeeyay waddanka Sucuudiga halkaas uu kusoo qaatay waxbarashadiisii aas aasiga intii u dhaxaysay sanadihii 1953kii illaa 1966 kii, waxaa uu ka qalin jebiyay Jaamacadda hadda loo yaqaan Imaam Maxamed Ibnu sucuud oo uu ka baraty sharciga Islaamka .

Sanadkii 1976kii,waxaa uu kusoo laabtay dalkiisa hooyo,islamarkiib waxaa uu ka shaqa bilaabay Garsoorka,intii uu halkaasi joogay jagooyin kala duwan ayuu halkaasi kasoo qabtay illaa uu ka noqday Madaxa ugu sarreeya maxkamadda Racfaanka sidoo kale intii uu halkaasi joogay waxaa uu ahaa ama uu noqday lataliyaha ugu sarreeya ee Maxkamadda Sare,waxaa uu halkaasi ka shaqaynaayey illaa sanadii 1981-kii .

Waxaa uu wax ku qoray afafka Carabiga Ingiriiska iyo afkiisa hooyo,buugaagtiisa ugu badan waxaa ay ku qoranyihiin afkeenna hooyo,maanta ayeey tiisa timid oo dunida laga qariyay Ilaahay ha u naxariisto,waxaa uu geeriyooday isagoo 82 jir ah, ummadda Soomaaliyeedna waxaa uu kaga tagay taxane, Taariikh iyo tixraacyo lagu taaba qaadi doono . Xigasho :  Buugga XIKMADDA NOLASHA Qoraa : C/naasir Yuusuf Macallin Cutubka : Xus Iyo Xusuus

Dhamaan Shaqaalaha Shabakada Ceegaag ayaa tacsi u diraya Qoyskii iyo Qaraabadii Abuu Xamse, Marxuumkana waxaan ilaahay uga baryanaa inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo AAMMIINN.

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply