Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Taariikhda Beelaha Baajuun iyo Deegaanada Ay Degaan

Sida aan wada Ogsoonnahay Beelaha Baajuun Waxay ka mid yihiin Beelaha Soomaaliyeed oo Degan Magaalada Kismaayo ilaa iyo Raas Kiyembooni, kuwaas  oo Dega Deegaano fara bada oo Ka Tirsan Jaziirooyinka  iyo Barigaba, Waxayna Leeyihiin Aqoon Yahano, Culumaa’udiin,Barafasooro,Siyaasiyiin kuwaas oo ku kala Nool Wadanka Gudihiisa iyo Dabadiisa kuwaas oo ka qeyb qaata Nabadeynta iyo Mideynta Shacabka Soomaaliyeed.

Baajuun way u kala baxdaa  18 Beelood , MIYULI oo 10 (Toban) Beelood ah  iyo BANA oo ah 8 (Sidded Beelood). Qabaa’ilka ugu Muhiimsan waa Nowfali , Shirazi , iyo Firaado .

Waxayna degaan Xeebta Dheer u dhexeysa Magaalada Kisimayu iyo Tuulada Raas Kiyambooni , iyo shanta Boqol Jasiiradood oo ku firdhisan Badweynta Hindiya ee Xeebaha Konfurta Soomaaliya . Juqraafi ahaan waxa loo yaqaana Bajun Islands ama Bajun Archipelago.
Degannada Xeebta ku Taxan waxay kala Yihiin :
– Njooni (Nchoni)
– Fumatiini
– Istambuuli
– Yamaani
– Kudhaayi
– Buurkaawo
– Mnaraani
– Ras Kiyambooni
Jasiiradaha wa 500 (shan boqol) o u kala baxa kuwa waeynn , kuwa dhexe , iyo kuwa yaryar. Jasiiradahaan qaarkood si joogta ah aya lo deggan yahay , kuwa kalena waxaa la dega xilliyada kallumeysiga iyo qaar kale an la degganeyn.
Jassiradaha ugu muhiimsan wa kuwa hoos ku taxan :
– Jasiiradda Kisimayu o ah furdada weyn e magaalada Kismayo , waxa xeebta lagu daray marki
   furdada laga dhigay 1962.
– Kandha Iwu (isola del serpente)
– Fuma
– Koyaamaa wa jasiiradda ugu weyn waxay leedahay laba tuulo o la ka yiraahdo : Koyamaani iyo
  Gedeeni ama Koyama. Waxay leedahay goobo tariikhi ah iyo taloyinka lo yaqaan “Pillar Tomb”
– Nguumi wa jasiirad si aad u cammineyd waxa burburiyay o madaafiic ku garaacay gumeysiga
  Portugal 1560 ?
– Iliisi
– Joowaaye (Chovaye) waxaa lo yaqaan Tuwaayi
– Jhula (Chula) waxaa lo yaqqan Tula. Jasiiradaan waxay leedahay laba tuulo o kala ah : Chula
  iyo Ndowa . Waxay leedahay goobo taariikhi ah .
– Darkaasi
– Jandraa (Chandra).
Haddaba Warbixintayda Waxaan ku soo lifaaqay Map Qadiimi ah o Muujinaya Jasiiradaha , Degannada iyo Magacyadoodi
Ex. Xildhibaan Maxamed Sheekh Cali ( Oobow)

Tel: 0615152455  ama 865337

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply