Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Suladaan Cabdirisaaq Suladaan Cali Baale oo ku geeryooday XD-Puntland ee Garoowe

Inaalilaahi Wainaa Ilayhi Raajicuun: Suladaan Cabdirisaaq Suladaan Cali Baale ayaa ku geeryooday xarunta dawlada Puntland ee Garoowe, Suldaanka oo ka mid ahaa jaaliya Boston 25 sono ee ina dhaafay ayaa hada dib ugu guryo noqday dalkii hooye ee Soomaaliya Suldaanka ayaa xalay tii rabi u timid.

Waxaa anaga oo ah jaaliyada reer Boston siiba Cabdulaahi Gurxan iyo Xaaskiisa Sahro Warfaa, Faysal Warfaa iyo Xaaskiisa Fardowso Suldaan, Maxmuud Warfaa iyo xaaskiisa Nasro, Xuseen Fiin iyo Xaaskiisa Yaasmiin Daahir, Hooyo Luul Yuusf Suldaan, Idiris Fiin iyo Xaaskiisa Muna, Cabdicali Caateeye iyo Xaaskiisa Khadro, Cabdirisaaq Fiin iyo Xaaskiisa Umulkhayr Cali-Cawl Tacsi u diranaa Malyuun Xasan Cali Baale iyo dhamaan reer Cali Baale anaga oo uga tacsiyadeenana geerida xaqa ah ee ku timid Marxuum  Cabdirisaaq Cali Baale.

Waxaan Illaahay uga baryanaa Marxuumka inuu janadii Fardowso ka waraabiyo eheladii iyo Qaraabadana Samir iyo iimaan kasiiyo AAMMIINN AAMMIINN AAMMIINN .

Daaqad Taariikheed ah Marxuumka waagii uu reer Boston ka mid ahaa

Waxaa isna Qudbad uu kala dardaarmay dawlada iyo shacabka soo jeediyay Mudane Cabdirisaaq Cali Baale.  Xafladii Boston nala daawo iyana..


Suldaan Cabdirisaaq Cali Baale ayaa isagu ka hadlay amaan uu amaanayay Dr. Faroole iyo Isimada Puntland. Soomaalidana kula dardaarmay in aan la dagdagin ee shaqsiga lasugo wax qabadkiisa sidoo kalena Dr. Cabdiwali u sheegay dadka cadada badan ee u soo baxay damaashaadkiisa waxa ay ugu soo baxeen inay ka rabaan. Sidoo kalena u sheegay inuu iska ilaaliyo warxumo tashiilka iskudiro dirayaasha ah isaga ookula taliyay inuu  adeeg sado kalmadaha Yeelkadii iyo Yeelay.
Saasaa lagu lahaa!!!  Dheh Yeelkadii!!!!, Wanaagbaa laguugu yimid…. Dheh Yeelay… Isimadana ogow yayna dhicin inay wayaan wax ay ku qaabilaan dadkood……


Suldaan Cabdirisaaq Cali Baale ayaa isagu u duceeyay Marxuum Faysal sidoo kalena sheegay in wax dawlad la yidhhdo jirin, geeriduna xaqtahay ee waxa dadka dhibayaa ay tahay dulmiga qaawan isaga oo sheegay arintaa inaan laysaga hadhi doonin.
Axad Dec 29, 2013 

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply