Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Soomaali Waa 3 Habrood e Maah 4.5 Beellood, W/Q: Axmed-Assad

Ka: Axmed Maxamed Maxamuud Aadan (Assad)
Ku: Daljir Axmed
ASCW..Salaan diirran dabadeed. Aabe, waan ku jecelahay, llaahayna waxaan kaaga baryayaa aakhiro-san iyo aduunyo-san. Waan hellay warqadii aad ii soo dirtay, Laakiin Aabe, Somaalidu maaha 5 Beellood siday kuu sheeggeen ee waa 3 beellood/habrood oo kelliya. Waxayna kala yihiin sidan:
      1- Habar Toldoon (Dir, Daarood, DM, Hawiye & 5aad) (3DH+5) = 55%
      2- Habar Torabora (Shabaab,Takfiir, Alqaacida, Itixaad & Xisbul Islaam)= 25%
      3-Habar Soomaal (Wadaniyiin, Cullimo, Abwaano, Indheergarad, & Aqoonyahano) =20%
Aabe, Beel 1aad & 2aad way hubaysan yihiin waana dad khatar ah ee ka feejignoow. Laakiin, beesha 3aad waxay dagaallantaa oo kaliya markuu shisheeye innagu soo duullo. Beesha 3aad waxaa ugu hor dagaalamay Axmed Gurrey, Sayid Maxamed, Xalane, Sh. Bashiir, Faarax Oomaar, Maxamuud Xarbi, Xaawo Taako, Dhagaxtuur, Xallane iyo qaar kalloo aan magacyadooda warqadu ii qaadaynin. Haddafkooduna wuxuu ku wajahan yahay Gobanimada, Xornimada, iyo Muslimnimada.
Aabe, Beesha 1aad inama necba laakiin waxaa horboodda qabqablayaal dagaal iyo qallin-ku dhiiglayaal aan milgo fog lahayn. Beeshani iyadaa aalaaba dhexdeeda isku mashquulsan. Mar walba waxaa ka dhexeeya dagaal iyo xurguf joogto ah oo ay sabab u yihiin 5tii cudur ee warqaddii aan maallintii dhawayd kuu soo dirray ku qornaa, taasoo ciwaankeedu ahaa “Afarta Inkaarane & Adeerkood: `Collaad, Musuq, Eexasho, Jahli & Fakhri` ”.  Beesha 1aad BBC, VOA, & Websiteyo ayaa si joogto ah oo dadban isugu soofeeya, waxayna u badan tahay dad sabool ah oo shantaa cudur ilhaameeyeen. Waa dulmane aan is ogayn, bukaan aan dhakhtar haysan, & dirraac joog aan gu’ sugaynin. Marba hogosha yar ee soo tiixda ayay isku uur dooxaan, waayo waxaa ku yar dhaqaalaha iyo cilmiga, taasbaana keenta inay eexda, collaad iyo musuquba ku bataan. Madaxdooduna waxay isugu faanaan lacagta, baabuurta iyo guryaha quruxda baddan.
Aabe, walli miyaan kuu sheegay wiilkeena sababtaan Cumar ugu bixiyay? Waxaan akhriyay taariikhdii Cumar bin Khidaab RC. Markaan dhammeeyay ayaan u ooyay sida caruurta oo kale. Wuxuu mushaharkiisu ahaa 17 Dirham bishii oo aan caruurtiisa raashin ugu filnayn 2 isbuuc, dhar, guryo iyo wax kalena hadalkoodaba daah.  Khamiis qura ayuu dhar ka lahaa, isaqana waxaa laga tiriyay dhawr iyo toban karmo oo wuu kafad-dhacay. Markay madaxdii ka hoosaysay iyo ehlkii Rasuulku SCW ka nexeen dayaca haysta qoyska xukunka haya, ayaa waxaa la go’aamiyay in loo kordhiyo mushaharka si caruurtu gaajada uga baxdo, haseyeeshee qofkii kula dhici lahaa Cumar ayaa la waayay. Qof waliba lafihiisa ayuu uga baqay inuu ka caraysiiyo Amiirul Muuminiinka. Ugu dambayntii, waxaa loo dirray Ergo isku dhaf ah oo ka kala socotay ku-xigeenadiisii iyo qoyskii Nebbiga SCW. Markii, warkii loo sheegay, ayuu istaagay oo haddana fariistay, markaasuu ooyay oo yiri: Miyaydaan ogayn in Nabigii udgoonaa scw inaan hal shay laga dhaxlin? Miyaydaan ogayn inuu gaajo, harraad iyo arrad aduunyada ku idlaystay, isagoo wax kastaba helli karaayay? Waxaan la yaabay geesinimadiina, taas darteed baana idinku cafiyay. Laakiin, fadlan mar dambe, yaan arintaas la igu soo cellin. Sidaas baanu ku xijaabtay.
Aabe, Aayatullah Khumayni wali ma maq
 ashay? Wuxuu ahaa Madaxwaynihii hore ee Iiraan wuxuu amray maalintuu xilka qabanayay in hantidiisa la tira koobo. Markuu dhintay wax yar kadib ayuu wiilkiisii maxkamada sare ee Iiraan ka codsaday in la baarro hantidii uu ka taggey Madaxwaynuhu, codsigaasna wuxuu ku soo qoray joornaalka. Kadib, maxkamadii waxay u saartay guddi, jawaabtii maxkamada sarena waxaa la daabacay July 2, 1989. Waxayna noqotay sidan:  iska daa inay hantidiisa wax ku kordheen intuu xilka hayaye, wuxuu xataa masaakiinta ugu deeqay jaggo banaanayd oo uu aabihii ka dhaxlay. Wax hanti ah wuxuu ka taggey, guri duug ahaa oo ku yaalay Qum oo markii 1964 la tarxiilay uu u hibeeyay in lagga dhigo milcaamad/dugsi Qur’aan. Kaasoo aan loo nisbayn karin hanti shaqsi maadaama uu dugsi Qur’aan yahay. Maxkamadii waxay kaloo sheegtay, inuu ka taggey, buuggaag xayn ah, dhawr shay oo maacuun duug ah oo ay xaaskiisu lahayd, iyo labba roog oo duug ah (huudhaydh)oo loo sadaqeeyay. Wax lacag ah hal Riyaalna kama aanu taggin. 1993 ayuu nin Laybeeriyaan ah oo la yiraahdo Roy Rogers oo Kiristan ahi arintan ii sheegay, markaan baarayna run bay noqotay.
Aabe,  Sayid Maxamed (IHN), Gumaysigii Ingiriisku wuxuu ku yiri, lacag baddan iyo dahab aan ku siiyo e dagaalka iyo rabshada jooji oo aan heshiino. Wuxuu ugu jawaabay “Annaa diiday gaal daacufle ah daba galkiisiiye, dahabkuu I yidhi gurro aanaa daadshay oo qubaye, annaan labadda daarrood tan horre darajo moodayne, dalka ma lihid annigaa ku idhi doora waynaha’e”. Sayidku markuu ka cabsaday in isaga iyo illaaladiisii gaajo u dhintaan ayuu qashay faraskiisii, isagoo leh “ii gawrac geenyada ragbaa guraya neeftiiye”, meeshuu ku gawracayna waxa lagga dhisay magaallada Dharkayn Geenyo. Aabe, Madaxda beesha 1aad, raggan sare ku xusan lama faylami karaan, inay ku daydaana haba ka suggin. Waxaa la ii sheegay in hotel ku yaalla Djabuti oo habeenkii lagu seexdo $11,000 USD inay caaddo u ahayd mid ka mid ah madaxdii u dambaysay 2 sanno ka hor. Shaqaale UN-ka u shaqeeya ayaa laga soo xigtay “qolkaa uu caawa seexday lacagtiisu, barakacayaasha Ceellasha Biyaha joogga, 3 maalmood bay quudin karri lahayd”.  Aabe Beesha 1aad madaxdeedu waa callool aan dhargeyn oo xataa berri dhawayd waxay damceen inay badda qayb ka mid ah ka iibiyaan Kenya.
Beellaha 2aad iyo 3aad warkooda warqada dambe ayaan kuugu soo faahfaahin doonaa inshaa Allaah.
Aabe, illaahay haku xafido, waxaana kaaga baryayaa, iimaansan iyo awlaadsan, aamiin!
Aabahaa,
Axmed-Assad

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

One Response to Soomaali Waa 3 Habrood e Maah 4.5 Beellood, W/Q: Axmed-Assad