Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Soo dhowaynta Baresare Cabdisalaan Xuseen (Tungub) ee Boston

Ceegaag. Axad, Maarso 27, 2016 ayaa xarunta SDC (Somali Development Center) ee magaalada Boston waxaa xaflad soo dhowayn ah loogu qabtay Baresare Cabdisalaan Maxamed Xuseen (Tungub), aasaasaha iyo guddoomiyaha Dalladda Waxbarashada Ilays, Laascaano. Waxa uu baruhu ka warbixiyay dadaalladii uu ku aasaasay dalladan iyo heerka ay maanta marayso. Sidoo kale waxa uu baruhu ka hadlay horumarka baaxadda leh ee ay Ilays ka geysatay magaalada Laascaano.

Xafladdan oo uu si habsami leh u daaddihinayay Mustafe Xaaji ayaa waxaa ugu horrayn ka hadlay Cabdiraxmaan Yuusuf, agaasimaha SDC; waxa uuna magaca dadweynaha Soomaaliyeed ee Boston si diirran oo gacaltinimo leh ugu soo dhoweeyay Baresare Cabdisalaan. “Annagu waan taageernaa ciddii bulshada dhisaysa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf. “Meel kasta ha joogee, qofkii waxtar u leh bulshadeenna waan soo dhowaynaynaa–waa waxay SDC u taagan tahay.

Ka dib Baresare Cabdisalaan ayaa u xogwarramay dhegaystayaashii ka soo qayb galay xafladda. Taariikhda waxbarasho, laga soo bilaabo xilligii gumaystayaasha iyo illaa hadda, ee dalkeenna ayuu ka sheekeeyay. Waxa uu sheegay in burburkii dawladnimada Soomaaliyeed ka dib la gubay buugaagtii manhajkii hore, si loo tirtiro dal-jacaylka uu manhajkaasi ku xambaarayay garaadka bartayaasha Soomaaliyeed. Taasi waxay keentay, ayuu baruhu xusay, in ay baahdo isfahanwaaga u dhexeeya jiilashan dambe ee aan helin manhaj ay ka siman yihiin.

Baresare Cabdisalaan waxa uu ku dadaalay in uu Dalladda Waxbarashada Ilays u yeelo manhaj tayo leh, oo laga wada helayo aqoon iyo xirfad kasta oo uu qofka Soomaaliga ihi ka maarmin. Waa manhaj af-Soomaaligu (luqad ahaan) udubdhexaad u yahay, islamarkaasna culuumta diinta iyo sayniskana u saamaxaya in bartaayshu ku qaataan afafka Carabiga iyo Ingiriisiga. Manhajkan uu Baresare Cabdisalaan maan iyo muruqba ku bixiyay waxa uu soo saaray bartayaal aqoon ahaan dhisan, oo kalsooni buuxda ku qaba carradooda Eebbe ku uumay.

Waxqabadyada uu Baresare Cabdisalaan ka warramay ayaa waxaa kale oo ka mid ah aasaasidda Ururka Daryeelka Deegaanka (UDD), oo ah urur iskaashi oo qashinka ka gura magaalada Laascaano. Waxa uu baruhu sheegay in muddo bilo ah ka dib, oo ay iskarogooyin ku gurayeen qashinkii magaalada dhex tuullaan jiray, uu caafimaadka magaaladu wax weyn iska baddalay.

Dhammaan waxqabadyada uu Baresare Cabdisalaan ka geystay magaalada Laascaano waxa uu kala kulmay caqabo xooggan, oo isfahan la’aantu ugu weynayd. Waxaana markasta caqabadahan ka caabbinayay dadaalladiisii uu si toos ah ugu abbaarayay indheergaradka la qaybsan kara himiladiisa weyn, ee uu ku horumarinayo dadka iyo deegaankiisaba.

Waxa uu Boston u yimid baruhu inuu ka helo indheergarad u huri kara maan iyo muruqba sidii loo weynayn lahaa waxqabadyada uu ka geysanayo geyigeenna Soomaaliyeed. Su’aalihii la weydiiyay ayuu middood kaga jawaabay: “Deegaan walba xiriir baa naga dhexeeya. Dalku sidaad moodaysaan ma kala xirna.” Wuxuu u dan lahaa inuu muujiyo sida dadaalkiisu ugu furan yahay dhammaan umadda Soomaaliyeed.

Reer Boston, waxaa la idinku bilkeydinayaa inaad waajibaadkaas la idin saaray ka soo bixi doontaan!

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply