Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

SOMALILAND WAXAY GASHAY DEMBIYO DAGAAL WAANA DUMAY DAMACEEDII LAASCAANOOD

Duulaanka joogta ah ciidamada maamulka Somalid diidka ah ee Somaliland ku hayaan guud ahaan bulshooyinka gobollada SSC, siiba magaalada Laascaanood ee caasimadda gobolka Sool, hadda muddo bil ah ayuu madaxa la sii galayaa, waxaana ka sii horreeyey uur-ku-taallooyin badan oo iskugu jira dilal labeenta bulshada lagu beegsaday, xarig, cabburin, iyo cadaadisyo dhinac walba ah oo dadka deegaannadaasi lagu hayey muddo 15 sano ah.

Duullaanka qaawan ee dad laysnimada ah ee hadda bil jirsanaya, ayna ku hayso Somaliland dadka shacabka ah ee deegaannada SSC, waxay ku gashay dembiyo dagaal oo lixaadleh, kadib markii ay madaafiic la beegsatay dad shacab ah guryahooda ku sugan, taasoo ay ku nafwaayeen dad biri-ma-geydo ah oo ay ku jiraan, carruur socod barad ah, kuwa maalmo uun ifka joogay, arday, haween qaarkood uurreey ahaayeen, kuwa ubad nuujinayey, culimo, iyo dad da’ah intaba.

Dembiyada dagaal ee kale ee ay gashay Somaliland, ciidamadeeduna geysteen waxaa ka mid ah weerarka iyo madaafiicda lala beegsaday goobaha dadka rayidka ah degganyihiin iyo kuwa danta guud oo ay ku jiraan isbitaallo, iskuullo waxbarasho, xarumo agooneed, adeegyada korontada, biyaha iyo guryaha dadka maatada ah degganyihiin oo qaarkood ay ku wada dhinteen dadkii ku noolaa oo dhan.Somaliland duullaankaan colaadeed ee ay ku soo qaadday dadka deegaanka, waxaa kale oo ay ku barakicisay boqolaal kun oo qoys, kuwaasi oo aan waxba galabsan, haatanna ku dayacan meelaha ay noftooda kula carareen oo ah goobo badankoodu aan lahayn adeegyadii nololsha asaadiga ah ee bulshada sida biyo, koronto, caafimaad iyo wixii la xiriira, waxaana qaarkood la soo gudboonaaday xanuuno ka dhashay culayska dad ee meelahaasi iskugu tagay, iyadoo ay jirto casbi la xiriirta dillaacidda xanuunada faafa oo halis gelin kara nolosha dadkaasi Somaliland barakicisay.

Waana qayb kale oo ka mid ah dembiyada dagaal ee Somaliland ku gashay colaadda Laascaanood.Maalinkasta oo Somaliland soo weerarto Laascaanood iyo shacabka diidan magaceeda gooni-goosi iyo maamuliddeeda inta, waxaa la diiwaangeliyaa dembiyo dagaal oo horleh, taasoo ay isha ku hayaan bulshada caalamku, hay’adaha xuquuqda iinsaanka iyo kuwa Qaramada Midoobayba. Waxaana xilli horaba bilowday ka doodis QM ah oo la xiriirta qaddiyaddaan iyo xadgudubyada bani’aadanimo ee ay geysatay Somaliland, lana cayimay liiska madax Somaliland ah oo ku sifoobay gelidda dembiyo ka dhashay dagaalka.Soddon sano ayay Somaliland bulshada caalamka ka iibinaysay xadgudubyo dagaal oo dawladdii millatariga ahayd ka geystay gobolka Waqooyi galbeed iyo Togdheer, haddana ma helin garawshiiyo caalami ah iyo mid maxalli ah toona.

Taasoo jirta ayuu maanta maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Col. Muuse Biixi uu galay dembi dagaal oo ka baaxadweyn midkii tabashadoodu ka soo bilaabatay, isagoo geed dheer ku laalay qiildayashadii dagaalkii waqooyi iyo dawladnimo gooni ah oo lagu helo, waxaana sidoo kale uu ceeldheer ku riday dib u maamulid iyo deegaanno SSC ah.Ka sokow dembiyada dagaal ee Somaliland ku gashay dagaallada iyo duullaamada ay ku soo qaaddo dadka shacabka ah ee gobolka Sool iyo kuwa guud ee SSC, waxaa kale oo ay kala kulantay dagaal khasaare lixaadleh oo iskugu jira dhimasho, dhaawac, gubasho gaadiid dagaal, kuwo laga qabsaday, mid burbur dhaqaale iyo xasillooni darro siyaasadeed oo soo wajahday gudaheeda, taasoo wiiqi karta jiritaanka maamulkaasi.

Fihima Yusuf Quje

Xigasho: Diiwaanka Wararka Warbaahinta Daljir.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply