Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Somalidu Waxay Tiraahdaa Labaa Dad Kuugu Daran Geesi Cadowgaa Ah Iyo Doqon Xigtadaada ah

Waxaan ku bilaabayaa Magac Allah ee Naxariis oo Dhan iska Leh

Waxaan wax badan u fiirsaday saxaafado webeb ah oo asal ahaan kasoo jeeda SSC oo dhaqanka iyo fikirka cadownimada leh ay xanbaarsan yihiin runtii igu noqday arin maskaxdayda yari sixi wayday… ilaa aan markii danbe ka helay maah maahda ah geesi cadowgaa ah iyo doqon xigtadaada ah labaduba faylahay ku gooynayaan…

Magaalooyinka kala ah Laascaanood, Yagoori, Xudun, fiqifuliye widhwidh iyo qaar kalaba iyagoo u jeeda bahdilka ihaanada arxandarada lagu hayo dhallinyaradii, waxgaradkii iyo dumarkiiba oo waliba dadka falalkaa kula kacayaa ku jiraan kuwo shisheeye kalkaal ahi… ayaa saxaafadahaas webebka u badani iska indha tirayaan bahdilkaa iyo ihaanadaa lagu hayo dadkii karaamada iyo sharafta taariikhiga ah lahaa…

Waa Suaale aan waddankeena ka kicino duulkaas bahdilka ku haya dadkeenii sharafta iyo karaamada lahaa miyaa lagu dhibsanayaa oo lagu bahdilayaa Isimadaas Rabbigeen karaameeyey ee Damiirka sharafeed Rabbi ku manaystay yirina…. Rabbigeen sharaf iyo karaamo ayuu nagu abuuray oo nasiiyey qaadan mayno bahdil iyo sharaf dhac…

Anigoon cidna magacaabayn webebkiinaan ehelnimada u xiga ee intaa daba taagan wax ka sheegga Raggaas Rabbi karaameeyey… ma xabbad bay idinla dhaceen, ma cadow ayeey idiin jabiyeen, ma gunnimay idiin horseedeen… ma dhaqaale aad heli lahaydeen ayeey idinka hor istaageen… bal waa suaale maskaxdaydaan yar wareerisee maxay idinka galabsadeen…!!!! Mise xaajadiinaa ah …doqoni xin og xilse moog ah… (akhristayaaloow hayla yaabina waa oraah aan samaystay)…

Kalshaale iyadoo xawda lays gooynayo Ayaan waxaan xasuustaa webebka qaar oo aflagaado rag sharaf leh oo arintaa ka gilgilanaya hawada u marinaya iyadoo ehelkoodii beebeeyo la dul marinayo si arxandarra ah….

Yaabaye ma waxaad tihiin duulkaa lagu magacaabo dabacayuun oo samaystay webeb wata magacyada magaalooyinka iyo tuulooyinka SSC…!!!

Suaasha kale ee maskaxdayda yare qaadi kari wayday ee ah waxaan jirnaa 2 sano yaa ii macneeya…. Dadka u dhashay SSC maanay ahayn duulkii Gumaystihii Britishka u babac dhigay oo dagaalka soconayey dhowr iyo labaatanka sano kula jiray dhammaadkii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad… ma dhaqankii …Samsara in Buddhism… iyagaa waxay aamin sanyihiin in qofkii dhintaa dib usoo dhasho…

Toloow mawaxaa laga wadaa qabiilkii Allah sharafta iyo sumcadda ku manaystay ee Taariikhda lahaa 2 jir maahee  intay wada dhammaadeen ayeey dib usoo dhasheen oo iminka waa laba jiro….

Rabbow adaa Caadil ahee wax dhammeeya haku keenin shacabkaa sharafta aad u yeeshay ee SSC…

Rabboow ka qabo duulka xumaanta la daba jooga oo tafaraaruqa ku beeraya si ay uga helaan danahooda gaarka ah….

Rabboow Awoowayaashood waxay lahaayeen sharaf hadaladay reebeen waxaa ka mid ahaaa….

Aniguna Halyeey Dabin Kabaxa oo Hartaan Ahaye

Haddaan hiyiga soor ku xiro waan Halwanayaaye

Haaweey ku liitiyo midgaan Hoorleh baan noqone

Markaas baa lay wada Horayn Horor sidiisiiye

Rabbow awoowayashood isuma quurin soor qureed ee Rabboow ka qabo kuwaas sharaftoodii iibsaday ee aan xumaha mooyaane wanaag u wadin…

Rabboow adaa waxii lagaa Baryaa aan la waayine Ragga sharafta iyo karaamada leh sharaftooda iyo karaamadooda kor u qaad….

 

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply