Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Siyaasigii ugu xabsiga dheeraa Soomaaliya Bardacad oo ku geeryooday Boston, USA Xalayto

Abuukaate: Yuusuf Cismaan Samatar (Bardacad) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyay ee ay yeelato Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa xalay ku geeryooday magaalada Boston ee carigan Maraykanka oo uu daganaa ilaa iyo 1994.

Bardacad ayaa ifka kaga tagay qoys aad u balaadhan oo ilaa iyo Awoowe 2aad uu ahaa Lix caruura oo uu dhalay iyo Labo Xaas.

Bardacad ayaa ku dhashay sanadkii 1932 dii gobolka Nugaal, isaga oo waxbarashadiisii hore ku qaatay Soomaaliya kadibna Jaamacad loogu qaaaday 1950kii wadanka Talyaaniga isaga oo galay Jaamacada Roomo.

Bardacad waxa uu guursay Saynab dhamaadkii 1960 oo u dhashay sadex caruura Libin, Liibaan, iyo Mahad. Kadibna waxa uu Guursaday Gabadh uu dhalay Xildhibaan Muuse Boqor ahaana Boqorka beesha Daarood, Maryan Muuse Boqor 1970 gii oo u dhashay labo caruura Duulane iyo Cartan. Sidoo kale waxaa jirta Xaas u dhashay wiilka ugu yar Faa’ikh.

Bardacad markii uu kasoo laabtay wadanka Talyaaniga waxa uu ku biiray xisbigii xornimo u dirirka ahaa ee Leegada (SYL). Markii uu wadanku xoroobayna waxa uu samaystay xisbigii ugu horeeyay ee Shuuciya hantiwadaaga ‘Somali Democratic Union (SDU)’ ee ka taabo galay Soomaaliya 1962. xisbigan oo noqday kan awooda sedexaad ee wadanka haystay kadib markii uu 15 kursi ku guulaystay doorashadii 1964.

Kadib inqilaabkii aan dhiiga badan ku daadan ee ay dalka kula wareegeen milatarigu, Bardacad wuu diiday inuu ku biiro xisbigii Hantiwadaaga ahaa ee ay wateen waxaana lagu xidhay mabaadiidiisa oo uusan la’gaban jirin. Bardacad waxa uu xidhnaa mudo ku dhaw Labaatan sanadood iyada oo aan maxkamad lasoo taagin, loona cugsaday xukunkii Kacaandiidnimada ahaa, taasoo ka dhigtay shaqsiga ugu xabsiga dheeraa Soomaaliya iyo shaqsiga 2aad ee ugu xabsi siyaasadeedka dheeraa qaarada Afrika oo dhan.

Bardacad in kasta oo uu ahaa shaqsi aad u gacan qabtay badanaa Saraakiisha dalka xukunkiisa la’wareegtay siiba ciidamada qalabka sida badankood, hadan way ku guuldareesteen inay wax ka qabtaan xadhigaa bilaa xukunka ahaa iyo waliba xidhitaan lagu kaliyeeyay Labaatan Jiroow.

Bardacad ayaa sanadkii 2000 waxa uu lataliye u noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee Maamulka Puntland Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo markii danbe noqday Madaxwaynaha Soomaaliya kaasoo dib u yagleelay dawladnimada Soomaaliya kadib 15 sanadood dagaal sokeeye hadheeyay Soomaaliya.

Dhamaan Shaqaalaha shabakadan Ceegaag waxay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan qoyska iyo qaraabada Marxuum Yuusuf Cismaan Samatay Bardacad. Marxuumkana waxaa ilaahay ugu baryanaa inuu u naxariisto Janadiisana ku casuumo AAMMIINN.

Naladaawo Sawirada dhawra h oo aan ka haynay Marxuum Bardacad.

Eng. Xuseen Fiin

Boston, USA

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply