Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Siday u dhacday Xafladii lagu soo dhaweenayay Musharax Madaxwayne Bashiir Xaaji Cali Hoteel Saxafi Muqdddisho Daawo

Xafladd agaasinkeedu sareeyo ayaa lagu qabtay Heteelka caanka ah ee taariikhda wayn leh Hoteel Saxafi, xafladaa ayaa waxaa si wayn loogu taageeray musharax madaxwayne Bashiir Xaaji Cali Jamaal oo haatan ku sugan caasimada dalka ee Muqdisho.

Xafladan waxaa furay Garadka Guud ee mandaqada Sool, Sanaag, Cayn iyo Doolo Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac Garaad Cali, waxaa hadalkiisa kamida ahaa inuu marti sharaftii ka codsaday in fariintiisa ah in sanadkan madaxtinimada wadanka lagu maamuuso deegaanada SSCD oo Bashiir Xaaji Cali u sharaxan yahay jagada madaxtinimo ee dalka.

Garaadka waxaa hadaladiisa kamid ahaa.

Waxaa kale oo isna madasha lagusoo dhaweenayay musharaxnimada madaxwayne ee Bashiir Xaaji Cali ka hadlay Imaam Cumar Macalim oo u jawaabay Garaad Jaamac Garaad Cali waxaana hadaladiisii kamid ahaa. Daawo.

Kalmadii Abwaan Badel Jaamac oo wadatay waano xigmadeesan iyada oo uu musharaxu balan qaaday in uu kasoo dhalaali doono xilka hadii Alleu garto.

Suldaan Xaamud Aadan Mataan taagaarada wayn ee uu ii muujiyay musharaxa ayaa carabka ku adkeeyay in aan dalku isasii saarnoon doonin hadii aysan siyaasiyiinta gobolada waqooyi markan dalka majaraha u qaban. waxaana hadaladiisii kamid ahaa.

Waxaa isna shirka qudbad cajiiba kasoo jeediyay Nabadoon C/qaadir Ibraahin Xarago taagaarada wayn ee uu ii muujiyay musharax Bashiir waxaana hadaladiisa kamid ahaa.

Malaaq dulmi diid ayaa isna hadal masuuliyadiisa wata madasha kasoo jeediyay iyada oo markii uu hadalka dhameeyay musharax bashiir sidan ugu mahad celiyay ‘Wali in mahad nagay Malaaq Dulmidiid sidi wiin iin garab surumi’ BXC

Waxaa si aada dadka ugu xogwaramay Wasiirkeenii hore ee Duulista iyo Hawada oo ay saaxiibo dhaw yihiin musharaxa Saciid Jaamac Qoorsheel isaga oo dadka Soomaaliyeed la wadaagay shaqsiyada Bashiir Xaaji Cali iyo doorka uu kaga qabqaatay dib isu taagida qawmiyada Soomaalida diban iyo gudaba. waxaana hadaladiisii kamid ahaa.

Waxaa isna madasha ka hadlay Siyaasi Cali Ismaaciil Cabdi Giir oo kamida aas aasayaashii Puntland taageerada wayna u muujiyay musharaxa. waxaana hadaldiisa kamid ahaa.

Waxaa isna madasha ka hadlay mid kamida tiirarka Soomaalidu ku taagan tahay professor Maxamed Cumar Dalxa hadaladaa xigmadeesan ee waayo aragnimadu ku dheehan tahayna kula taliyay musharaxa. Waxaana kamid ahaa sida cadaalada laysaga indho tirayo si xal loo helo tasoon marna dhici doonin balse professor Dalxa ayaa waydiiyay musharaxa inuu ka warhayo dabinka dalku lugaha kula jiro. Waxa uuna yidhi

Waxaa isna shirka hadal qiimo badan kasoo jeediyay Suldaan Gooni aadna u garab istaagay mushara BXC-J. Waxaana hadaladiisa kamid ahaa

Waan u mahadcelinayaa dhamaan dadkii kasoo qayb galay xafladaydii Hoteel Saxafi dhamaan Abwaaniin iyo Siyaasiyiin iyo waliba bulshada qaybaheeda kala duwan. BXC-J

Qudbadii uu madasha lagu maamuusay musharx Bashiir Xaaji Cali kasoo jeediyay oo badankeeda aad wada garanasaan, kuna saabsan halka iyo sida uu dalka uga kaxayndoona meesha uu taagan yahay siyaasan ahaan iyo dhaqaale ahaanba, sida uu dalka u midayndoono dhamaan deegaanada ay degto qawmiyada Soomaaliuda. Shantii talaabo ee uu dalka kusoo kordhiyay musharax Bashiir waatan isga oo ku faah faahinaya Hoteel Saxafi Muqdishadii la doortay ee dalka ugu mudnayd Daawo.

Mahad Gaarra Suxufi Garyaqaan

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply