Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shirkii Wada tashiga Soomalida ee Muqdisho oo Burbur Qarka u saaran

Ceegaag Sept 20, 2015: Muqdisho. Wararka ka ag dhaw ee Ceegaag kasoo gaadhaya madasha shirka ayaa sheegaya in ay isasoo taraso is fahmiwaa ka dhashay habsami usocodka shirka kadib markii maamulka Puntland ku andacooday in ay shirka gadhwadeen ka noqdaan maamulada Puntland, Jubaland, iyo Koofurgalbeed. Dhinaca kale dalwda Federaalka ayaa ku adkaysatay in maamulda dalka kajira oo dhan ay si iskumida shirka gadhwadeen ugawada noqonayaan iyada oo si buuxda u sheegtay in maamulka Galmudug buuxiyay shuruudihii maamulnimo.

Wararka nagasoo gaadhaya qasriga Raysalwasaaraha oo ay hada isugu tageen ergooyinkii Puntland iyo Jubaland iyo waliba siyaasiyiintii goboladan ugu jiray dawlada Federaalka ayaa sheegaya in aysan doonanayn in ay shirka dib ugu laabtaan hogaamiyaaysha labadan maamul goboleed iyaga oo qiil ka dhiganaya in Galmudug aysan haysanin laba gobol oo buuxa. Warbixinada hoose ayaa sheegaya in dhinaca Jubaland cadaadis lagu saaray inay si buuxda u aqoonsadaan Galmudug si iyagana kumeel gaadhnimda looga saaro iyada oo aan wali la saxeexin inay Jubaland ka baxday kumeel gaadhnimadii.

Shirkan oo ay ka maqan yihiin shacabka deegaanada Waqooyiga Soomaaliya sida Khaatumo, Maaqkhir, Awdal iyo Somaliland ayaa u muuqda midkii Masar ee sanadadii 1992 ay ka dareereen Cabdilaahi Yuusuf iyo Jeneral Gabyoow halka ay kana ka baxeen Cabdiwali Gaas iyo Aadan Madoobe. ma jirto wax waan waana oo hada socota balse Raysalwasaaraha ayaa laga rabaa inuu socodsiiyo siyaasada dawlada si aysan ugu muuqan mid loo kala saftay reer reer.

Warar xasaasiya kala soco Ceegaag.com saacad dabadeed.

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply