Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shirkii Jaaliyadda Reer Kismaayoodka Ee Minneapolis Iyo Dr. Ali Cawaafe

Waxaa magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota lagu gabtay shir ay isugu yimaadeen jaaliyada reer kismaayoodka. Shrikaasoo ay soo qabanqaabiyeen Aden Buqow, Ahmed Mohamed [Dhagah] iyo Abdiyare Ismael Muse. Inkasta oo uu shirku ahaa mid ku salaysan wadatashi iyo kala warqaadasho, isla markaa shirka ayaa waxaa sal looga dhigay soo dhaweeynta Dr. Ali Cawaafe, oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed, gaar ahaana ah dhaqtar ka soo jeeda, kana soo shaqeeyey gobolka Jubbada hoose.

Dr. Ali Cawaafe, waxaa uuu dugsiga hoose iyo kan dhexe uga baxay iskoolkii ugu horeeyey, ee uu Gumaystigii Talyaniga ka dhisay Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaana magaalada Kismaayo, kaasoo lagu macaaabi jiray: [Dugiga Hoose – Dhexe ee Calanley]. Iskuulkaan taariikhiga ah, ayaa waxaa wax ka bartey qaar ka mida dadka meesha iskugu yimaadaay iyo waalidkoodba. Dr. Cawaafe waxaa uu dugsiga sare uga baxay – Dusgii Sare ee loo yaqaanay Ganaane. Ka dib waxaa uu wax barasha heerka sare ah ka hekay kuliyadii Gahayr.

Waxaa madasha hadalo taariikhi ah ka jeediyey, Suldaan Yusuf Suldaan Ali Sonkor. Suldaanku waxuu xusay taariikhda ay Reer Kismaayoodkii hore ku lahaayeen guud ahaan deegaanka Jubbaland, gaar ahaana gobolka Jobbada Hoose. Waxuu intaas ku daray in Gobolka Jubbada hoose, sida gobolada kale ee dalka, uu u baahan yahay, dadka wax bartey iyo qofkastoo wax ku kordhin kara, ha ahaato dhinaca dhaqanka, dhaqaalaha ama nabadgelyada.

Waxaa xusid mudan in shirka uu ka soo qaybgalay Xildhibaan ka mida Xildhibaanadii laga soo doortey magaalada Kismaayo, sanadkii 1964tii, waqtigii ay dowladii shacabka ahayd wadanka ka talinaysay. Sidoo kale, waxaa halkaas joogay Xaji Yusuf Abdi Hussein [GiifGiif], ahaana nin mudo dheer u shaqaynaye dowlad Soomaaliya, kana mida abwaanada reer kismaayoodka.

Shrikaan oo aan loo kala harin, ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka soo qaybgalay Bashiir Xaaji Omar [gaab], kaasoo Macalin ama Maamule Iskuul ka noqday iskuuladii ay wax ka barteen qaar ka mida dadkii meesha isugu yimid. Bashiir waxaa uu ahaa Maamulahii dugsiga qadiimiga ahaa, ee loo oran ‘Jamaal Abdinaasir – Kimsaayo’ intii uusan dagaalkii sokeeye bilaaban.

Aqoonyahayno iyo madaxdi hore ka sakow, shirka waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mida cayaartoydii Gobolka Jubbada Hoose ugu caansanayd. Waxaa xusid mudan in Ahmed Osman Ghedi oo ka mid ahaa cayaaryahanadii Kubada Cagta, ee Gobolka Jubbada Hoose, una saftey kooxdii Bada Xamar iyo kooxdii Qaranka Soomaaliya, haatan ka ah macalin Kubada Cagta magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota. Sidoo kale, waxaa halkaa ku wehileyey Cayaartoygii uga caansanaa, ee Gobolka Jubbada Hoose, dhinaca Kubada Koleyga, Mohamed Abdi Ayax [Culaal].

Waxaan xusid midan in shirka ay ka soo qaybgaleen, qaar ka mida Jaaliyada guud ee Jubbada Hoose, kana soo jeeda magaalada keliya, ee Soomaaliya, uu gumaystahii Talyaanigu siiyey magac ay iyagu la jeclaysteen ‘Margarita’, hadana loo yaqaan ‘Jamaaame’. Hogaamiyaasha Jaaliyada oo Reer Jamaame oo la sheegay in ay qayb lixaadleh ka qaateen dib u dhiska cisbitaalka dhexe ee Kismaayo.

Qodobo badan ayaa shirka ka soo baxay, waxaase la tafatiri doonaa qodobadaas shir labaad oo dhici doona mustaqbalka, waxaase la isku afgartey in shirka REER KISMAAYOODKA uu ahaado mid sanadle ah, kuna salaysan wada shaqayn iyo wax wadaqabsi.

Magacayda hoos ku qoran waa dadkii ka soo qaybgalay shirkii wadatashiga iyo war kala qaadashada [oo aan anigaba ku jiray, madaama aan Kismaayood ahay]:

1. Suldaan: Yusuf Suldaan Ali Sonkor

2. Xildhibaan: Ismael Xaji Warsame

3. Abwaan: Xaji Yusuf Abdi Hussein [GiifGiif]

4. Dr. Ali Cawaafe

5. Qoraa: Aden Buqow

6. Qoraa: Mohamed Barre [Junlay]

7. Tababare: Ahmed Osman Ghedi

8. Abdirahman Sheikh Mursal

9. Ganacsade: Ahmed Mohamed Dhagax

10. Mohamed Abdi Ayax [Culaal]

11. Ali Mohamed Samatar

12. Daahir Nuur Ali

13. Abdulaahi Mohamed Muudey

14. Mumin Mohamed Mumin

15. Ismael Hosh Madobe

16. Abdirashiid Yusuf

17. Said Hashi

18. Maryan Egal

19. Rukia Adow Shah

20. Abdiyare Ismael Muse

21. AbdiNoor Ismael

22. Ahmed Ibraahim [Madaxey]

23. Abdirashiid Muse Farah [Rifa]

24. Mahda Macaawiye Ali

25. Bashiir Xaaji Omar [Gaab].

Waxaa soo diray: Mohamed Barre – Junlay [Buluf], qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana Minneapolis, ee gobolka MN – junlay99@aol.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply