Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shir khadka telephone-ka oo ka dhacay North America oo looga hadlayay qaabka oogu haboon ee lagu taageeri karo dadkii dhibaatada ka soo gaartay duufaantii ka dhacday Puntaland

Ururka Jubaland Development Institute (JDI), ayaa wuxuu qabtay shir aad u balaaran oo lagu wada hadlayay Khadka Telefoonka (teleconference call), maalintii shalay ahayd ee Bisha Novenbar 17keeda ee Axadda ahayd. Shirkaa waxaa diiradda lagu saaray sida ugu haboon ee dadka qurbaha jooga ay gurmad dhaqaale ugu taageeri lahaayeen dadkii masiibadu ka soo gaadhay DUUFAANTII halaagga ka gaysatay inta badan deegaanada Carriga Dawlad Goboleedka Puntaland.

Shirka oo uu furay Gudoomiyaha Ururka JDI Ambasador Cabdikariin Aw Cali, waxaa ka soo qayb galay dad ka badan illaa 900 qof oo ku kala nool waddamo iyo magaalooyin kala duwan. Kaqeybgalayaasha shir telefoonigan waxay intooda badan ka tirsan yihiin jaaliyadaha Soomliyeed ee ku nool Waqooyiga Ameerika iyo deegaano kale oo ku yaala Afrikada Bari sida Dawlad Goboleedka Puntland, Kenya, Etobiya iyo Imaaraadka Carabta. Waxaa si gaar ah uga soo qeyb galay shakhsiyaad muhiim ah oo jooga magaalooyinka Nairobi, Addis Ababa, Garoowe, Boosaaso, iyo Dubai. Dhinaca degaanada Waqooyiga Ameerika, kasoo qeybgalayaashu waxay u badnaayeen gobolada Ontario, Alberta, Saskatchewan, Manitoba ee Dalka Canada. Dhanka USA, dadka ka soo galay waxay intooda badan ay joogaan gobolada (state-yada) Ohio,Atalanta, Illinois¸ Massachusetts, DC Metro Area, California, Colorado, Missouri, Minnesota, Washington Oregon, iyo kuwa kale.

Waxaa si gaar ah loo tilmaami karaa labo wasiir oo ka mid ah Wasiirada Dawlad Goboleedka Puntland oo kala ah Xaliimo Xassan Xaji iyo Burhaan Cilmi Falag. Labada wasiirba waxay bixiyeen warbixinnadii ugu dambeeyey ee xaaladda adag ee ka jirta degaanada ay duufaanadu wax yeeleeyeen iyo qorshaha gargaarka guud ahaan halka uu marayo. Labada wasiirba waxay jaaliyadaha Waqooyiga Ameerika ku guubaabiyeen inla dedejiyo lana mideeyo gargaarka ayadoo waxa lagu deeqo lasoo marinayo guddiga Dawlad Goboleedka Puntaland u xilsaartay wax ka qabashada iyo gargaarka masiibada ka dhalatay duufaanada, oo ka kooban Wasiiro, Culunaa’u-diin, iyo Ganacsato, ku sugan deegaanada ay dhibaatadu ka dhacday.

Waxaa kaloo xusid mudan inuu shirkaasi khadka telefooniga ah kasoo qeybgalay Mudane Yususf Xassan Abdi, oo ah xubin Baarlamaanka Kenya ee laga soo doortay Eastleigh, Kamakunji oo haatan caafimaad awgiis u jooga magaalada NewYork, USA. Dr.Yusuf H Abdi wuxuu dhamaan dadka soomaaliyeed ku booriyey in ay isu gargaaraan marka uu yimaado xilli adag sida kan hadda ka taagan Puntaland oo kale, si dhab ahna la isaga kaashado sidii loogu fidin lahaa gargaar dadkaasi dhibka weyn ay ka soo gaartay duufaanadaasi. Xildhibaanku wuxuu aad ugu booriyay inay dadka Soomaalida ah gacmaha is-qabsadaan oo ay isku xirnadaan, sidoo kale wuxuu ammaanay qaban-qaabiyaasha shirkan ee JDI.

Shirkani oo socday muddo dhan laba saacadood ayaa la isku dhaafsaday xog warran, guubaabo iyo talooyin la xiriira sida ugu habboon uguna fudeyd iyo degdeg badan oo loo abaabuli lahaa awoodda ballaaran ee jaaliyadaha Waqooyiga Ameerika. Waxaana aad loo faaqiday sidii loo kaalmayn lahaa dadkii ay duufaanadu waxyeeleeyeen, waxaa shirka si gaar ah talooyin u soo jeediyay wakiillo u hadlayay bulshooyinka ku dhaqan magaalooyinka North America Sida Toronto, Edmonton, Calgary, iyo Regina oo Canada ah, sidoo kale Seattle Wa, San Diego CA, Chicago Illinois, Columbus Ohio, Denver Co, Kansas City, iyo magaalooyin kale oo badan.

Shirka waxaa lagu soo gunaanaday hadal uusoo jeediyey Guddomiye ku Xigeenka Jubaland Development Institute (JDI) Xasan Farax Shire, asagoo faafaahin ka bixiyay qaabkii loo soo abaabulay shirkaan telefooniga ah iyo sida markii lawada jiro wax wayn looga qaban karo dhibato kasta oo bulshada la soo darista. Ha ahaadaan dhibaatooyinka ka dhasha duufaanada, daadadka, abaaraha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah, ama kuwa dadku abuuraan sida dagaalada sokeeye iyo argagixisonimada wali dhibaatada ku haya dalkeenii iyo waxaa kale oo si wayn wax looga qaban karaa dhinaca kobcinta tiirarka aas-aasiga ah ee dadkeenu u baahan yihiin. wuxuu kale oo gudoomiye ku Xigeenku ka mahad celiayay dhammaan dadka wakhtigoodii iyo ra’yigoodii qaaliga ahaa galiayay shirkaan, isla markaana diyaarka u ah inay ka qayb qaataan maalgurista loogu gurmanayo walaalaha reer Puntaland ee dhibaatada duufaantu wax yeelaysay.

BAAQA IYO GO’AANKA SHIR TELEFOONIGA KA SOO BAXAY

Jubaland Development Institute (JDI) iyo dhammaan ka qayb galayaasha shirku waxay si wada jir ah isula meel dhigeen :

in dhammaan qurba joogta reer North America loogu baaqo inay ka qayb qaataan gurmadka dhaqaalaha loogu aruurinayo, dadka wax yeeladu ka soo gaadhay masiibadii duufaanta ee Puntaland.

In sida oogu dhaqsiyaha badan wixii la helo loo diro, iyadoo si aysan waqti badan u qaadan la soo jeediyay in magaalo kastaa toos gaarkeeda ugu dirto wixii ay ku deeqayaan.

In si guud xiriir joogta ah oo isku xiran loo sameeyo mudada ay hawsha dhaqaale aruurintu socoto.

Shirka telefooniga dhammaan dadkii ka soo qaybgalay, waxay Dawladda Puntaland iyo Shacabka Reer Puntaland uga tacsiyadaynayaan iyagoo aad uga xun, guud ahaan dadkii masiibada duufaanta ku dhintay, kuwii ku xoolo beelay iyo cid kasta oo si toos ah iyo si dadban-ba ay wax uga soo gaadhay.

 

OGEYSIIN

Jubaland Development Institute (JDI) waxaa farxad weyn u ah in shirkan uu ku dhamaaday guul iyo midnimo. Ururkan JDI waa urur dhawan loo dhisay inuu kaalin weyn ka qaato baahida horumarineed ee saddexda gobol ee Jubaland. Hawl galka Ururkan wuxuu ku wajahan yahay nabadeynta iyo dib uheshiisiinta dhamaan dadka wada dega goboladaasi, dib udejinta qaxootiga, dhismaha hay’adaha dawliga ah, horumarinta bulshadhaqaale iyo hirgelinta sharciga iyo kala dambeynta. Magaalada Columbus, Ohio waxaa hadda kasocda qabanqaabada shirki ugu horeeyey oo lagu dhisayo qaab dhismeedka iyo hoggaminta ururkan ayadoo la ansixin doono sharciyada, xeerarka iyo siyaasadda hawlgalkeedaba.Ururkan waxaa ku midoobay rag iyo dumar leh aqoon, xirfad iyo waayoaragnimo laguna yaqaano daacadnimo iyo waddaninimo.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag