Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sheekh Shariif oo Urur Samafal ah kaga dhawaaqay Ingiriiska

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska kaga dhawaaqay urur samafal ah oo la magac baxay Samadoon Foundation.

Munaasabadii ku dhawaaqista ururkan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mas’ uuliyiin ay ka mid ahaayeen Ra’ iisul Wasaarihii hore Nuur Xasan Xuseen ” Nuur Cadde” , Gudoomiyaha Magaalada Bristol George Ferguson iyo iyo marti sharaf kale.

Ururkan ayaa diiradda saari doono arrimaha dib u heshiisiinta, waxbarashada iyo caafimaadka. waxaana ururkan Guddoomiye u ah Prof. Warfaa Xasan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo howlo waxbarasho u jooga dalka Ingiriiska ayaa sheegay inuu muddo fog ka shaqeynayay sidii uu ururkan u dhisi lahaa, isla markaana ka baaraan­daggiisana uu bilaabay markii uu tagay magaalada Boston, kadibna Uganda iyo Imaaraadka Carabta.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply