Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sheekh Axmed Max’ed Islaam oo ku soo laabtay Kismaayo kadib booqosho uu ku tagay Afmadow

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaxweynha Maamul Gobledka Jubbland iyo wafddi uu hogaaminayay oo booqosho labo maalin qaadatay ku tagay degmada Afmadow ee gobbolka Jubbada Hoose ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Afmadow wuxuu kulamo kala duwan uu la qaatay odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan degmadaasi, qeybaha kala duwan ee ururada bulshada Afmadow iyo Masuulyiinta maamulka degmada Afmadow, wuxuuna madaxweynhu dadkaasi kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin sidii loo sii dar dargelin lahaa arrimaha dhisitaanka Jubbaland.
sidoo kale waxaa Ciidamada Maamulka Jubbaland ee ku suggan Afmadow iyo nawaaxigeeda loo qeybiyay mushaaraadkooda kaasoo uu waday Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa galabta ku soo laabtay magaalada Kismaayo wuxuuna ka soo degay garoonka diyaarada Kismaayo, ayadoo kolonyo isugu jirta AMISOM iyo Ciidamada Jubbaland ay u soo galbiyeen xarunta KMG ah ee Kismaayo.

Booqashadani oo ah tii ugu horeysay uu ku tago maglada Afmadow ee Gobalka Jubbada Hoose.

CEEGAAG Online-Kismayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag