Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sheekh Axmed Maxamed Islaam oo eedeyay ciidamada kenya ee jooga magalada kismaayo

Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo ah madaxweynaha Jubba-land ayaa ku eedeeyey ciidamada Kenya iney garab ku siin waayeen dagaalkii ka dhacay Kismaayo maalmihii la soo dhaafay.
Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi ayaa Axmed Madoobe waxaa uu intaa ku daray in ciidamada Kenya ay uga baxeen heshiis ay horey u wada galeen oo aheyd iney si wadajir ah ula dagaalamaan Al-Shabaab iyo wixii la halmaala.

“Kenya dagaal ayaan ka soo bilownay illaa xuduuda ayaan soo wada galnay kaasoo aan kula jirnay Al-shabaab si ay gacan nooga siiyaan sugida amniga, waxaan ku eedeynaynaa iney wax nagala qaban waayeen dhibaatada laga soo xawilay Muqdisho ee kismaayo ka dhacday” ayuu intaa ku daray Axmed Madoobe.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in dagaaladii maalmihii la soo dhafay ka dhacay Kismaayo ay si toos ah Al-shabaab ugu jirtay, ayna ka xun yihiin in ciidamada Kenya oo ay garab ka sugayeen ay ku fiirsadaan keligood dagaalka, iyagoo arkaya buu yiri meydadka iyo dhaawacyada aan soo qababnay ee ka tirsanaa Al-shabaabka nala dagaalamayey.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo aadaya xili dowlada Somalia ay iyana dhineeda ku eedeysay ciidamada Kenya iney ka qeyb qaateen dagaaladii Kismaayo, lana safteen hal dhinac, ayna magaalada ku garaaceen madaafiic khasaare badan u geystay shacabka iyagoo ku baaqay in la bedelo ciidamada Kenya Kismaayona la geeyo ciidamo kale.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag