Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Sharaftii Somalidii Hore Iyo Somalida Maanta

Waxaan Ku Bilaabayaa Magaca Allah Ee Naxariis Oo Dhan Iska Leh

 

Mudanayaal iyo marwooyin Somalidu waxay ahaayeen dadka ugu gob sanaa adduunka oo dhan waxay ahaayeen dad aan xaqiraadda aqoon waxay ahaayeen dad aan midab kala sooca aqoon waxay ahaayeen dad sharaftu iyo sumacddu uga qaalisanayd buuro dheeman iyo dahab ah waxay ahaayeen dad yar iyo waynba is ixtiraamid, is qadarin iyo isu turid ka dhaxaysay…

Mudanayaal iyo marwooyin waxaa dhici jirtay in qofka ka soo socdaala jabuuti oo usoo safro xamar ruuxaas socdaalka ahi reer alla reerkii uu ku soo hoydaa waa soo dhowayn jireen waxaa ninka qoysku uhuri jiray gogoshiisii gaarka u ahayd bustihiisii gaarka u ahaa barkintiisii gaarka u ahayd waxaana uu u loogi jiray neefka ugu buuran xoolaha xeradiisa ku jira waxuuna u lisi jiray geela kuwa ugu caana badiya ilaa uu ka dhergana qof kale cuntada afkiisa ma saari jirin… iyagoo eexaysanaya sharafta iyo sumcadda qoyska oo aan doonayn in magac xumo ka raacdo ruuxaas martida u ahaa…

Mudanayaal iyo marwooyin somalidu waxay ahaayeen dadkii federalka laga soo gaaray oo laga bartay haddaydaan ogayn somalidu waxay u deganaayeen qabiil qabiil, qabiilkastaa waxuu lahaa Isim u gaar ah qabiilkuna waxuu u qaybsami jiray jifooyin jifa kastana waxay lahayd nabadoon.. degaan kasta oo qabiil dego waxaa ka arimin jiray Isimka qabiilkaas… waxaana lagu dooran jiray Isimka habka is ixtiraamka ku salaysnaa ee ahaa Curadnimada sidaad ogtihiinba walaaluhu waxay isu ixtiraamaan siday u kala wayn yihiin… waxaa kaloo dhici jirtay haddii ninka curadka ahi laga garasho fiican yahay waxaa Isimka laga dhigi jiray ka garashada fiican oo markaa lays leeyahay isagaa hogaamin kara qabiilka…

Mudanayaal iyo marwooyin ninka Isimka ahi waxaa loo uruurin jiray xoolo looga jeeday inuusan shaqo kale yeelan ka shaqaynta iyo wax u qabashada qabiilka mooyee wax kale…waxuu markaa ninka Isimka ahi ku dadaali jiray sidii qabiilka uu masuulka ka yahay nabad iyo wanaag kula noolaan lahaa qabaailka kale ee deriska la ah waxuuna xoogga saari jiray in qabiilkiisu noqdo qabiilka ugu sharafta iyo sumcadda badan isagoo wanaajin jiray habsami kuwada noolaashaha jifooyinka oo dhan iyo in qabiilkaasi ka fogaado wax alla waxii xumaan u keeni kara dhammaan qabaailka kale ee ku xeeran… waxuu kaloo sugi jiray in uu adkeeyo xarigga isku haya qabiilkiisa iyo qabiilada kale ee Somaliyeed oo ku saabsanaa danta guud ee Somalida oo dhan ka dhaxaysay sida…. Isu gurmashada markii colaadi timaado, markii abaari ku habsato iyo wax alla waxii markaa looga baahdo qabiilka uu masuulka ka yahay…….

Mudanayaal iyo marwooyin wanaagaas habka federalka ah ee isku xiran oo Somalidu ku noolayd waxay usoo hooysay in badmareenadii waddamada kale kaga yimi ay la yaabeen sida sharafta leh ee ay Somalidu ku wada noolyihiin, dhulkaan quruxda iyo qaayaha badan ee ay ku nool yihiin oo leh udgoonka nimco aan adduunka kale la wadaagin… markii ay bad maaxayaashaasi ku noqdeen dhulkoodii waxay u gudbiyeen inay soo arkeen dhul iyo dad aanay waddan kale ku arag wanaagga ka dhaxeeya oo ku dhisan is ixtiraamid is qadarin kala danbayn ku salaysan sharaf iyo wanaag oo qof qof ka sarayaa jirin… waxayna u buxiyeen dhulkii udgoonka iyo dhulkii ilaahyada oo ay uga dan lahaayeen wanaagga iyo kala danbaynta dadkaas Somalida ahi ku wada noolaayeen Islaamka ka hor….wanaagaas iyo sinaantaas ka dhaxaysay dhammaan qabaailka Somalida ahaa waa midda sahashay in ay wada qaataan Markii Islaamku soo gaaray maadaama Islaamku sii sharfay oo ku taageeray wanaaggii ay ku wada noolaayeen dhammaan qabaailka Somaliyeed…

Mudanayaal iyo marwooyin bulshadii sharafta iyo sumcadda lahayd oo badmaaxayaashu uga markhaanti kaceen ayaa waxaa kor yimi duul aan intaasba waligood yeelan oo aan aqoon wax la yiraahdo wanaag, sinaan, cadaalad iyo sharaf midna oo noloshoodu ku salaysnayd midab takoor, dabaqado iyo kala sarayn… waxay ula yimaadeen kibir, quursi, bahdil, dullaysi iyo meeshaan iraahdo fariiso meel aan ahayn ma fariisan kartid…sdiaad ogtihiinba  awoowayaasheen yar iyo waynba dhimashay ka doorteen sumcad xumo iyo sharaf la’aan nolol ah… waxaana qarxay dagaal qofkii qori heli karay kii waran heli karay kii fallaar heli karay iyo kii dhagax haaban karayba rag iyo dumarba guntigaa la adkaystay halhayskooduna waxuu ahaa guul sharafeed ama geeri… awoowayaasheen iyo hooyooyinkeen waxay u diideen duulkaas kibirka iyo isla waynida la soo galay inay maalina wanaag ku harsadaan oo ay intifaacsadaan khayraadkeena waxaana daliil idiin ah in dhulkeenu haatan dihin yahay oo khayraadkiisii ceegaago…Dagaalkaas ku salaysnaa guul sharafeed ama geeri oo hadda loo soo gaabsho guul ama geeri wuxuu qarxay 1885kii…

Mudanayaal iyo marwooyin sidaad ogtihiinba dagaalkii qarxay xilligaas waxuu soconayey todobaatan iyo shan sano 75 oo ay awoowayaasheen iyo hooyooyinkeen xabad ku dirir af ku dirir waxba aanay ula kala harin…  waxayna diidanaayeen nolol aan sharaf iyo sumcad lahayn waxayna ka doorteen geeri ilaa ay ka gaareen waxay doonayeen ee ahayd guul sharafeed taariikhdu markay ahayd….26 Jun – 1 July 1960kii…

Mudanayaal iyo marwooyin Somalidu waxay tiraahdaa ayax tag eela reeb sidaad ogtihiinba duulkii kibirka iyo isla waynida inoola yimid awoowayaasheen iyo hooyooyinkeen barqa cad ayeey banaankaa iska marsheen waxaase duulkaasi inagu reebeen duul kale oo wata magaceena oo wata sumaddeena oo aan Allah aqoon arxan aqoon sharaf kala jeclayn waxba xeerinayn… waxay ku dhex faafeen bulshadeenii waxay isugu direen qabiil qabiil markii ay colaad dhex dhigeen qabaailkii wanaaga iyo sharafta kuwada noolaa ayeey haddana usoo gudbeen in qabiilka dhexdiisii jifo jifo iskaga horkeenaan oo haddana jifadii dhexdeeda iska horkeeneen ilaa ay colaaddii gaartay wiil iyo adeerkiis…

Mudanayaal iyo marwooyin waxaa la ina gaarsiiyey

  • In madaxwayne waddan kale inoo arimiyo oo waxuu doonayo maahee aynaan tashan karin.
  • In keenii wanaag doon ah laynaga dhaadhiciyo jifadaada maaha ee ha taageerin
  • In qabiilkaagu intuu qabiilka kale ka dilo tahay guusha iyo farxaddu inta ay qabiilkaaga ka dilaana tahay hoogga iyo ba’u kuwa waddamada kale inaga dilaana aaynaan eegin.
  • In Isimadii wanaaga iyo sharafta lahaa aan cidi dhagaysan oo aan dheg jalaq loo siin.
  • In dhallainyaradeenii doomuhu la degaan oo ay xeebaha meydadkoodii daadsan yahay cidina kala jeclayn.
  • In layna yiraahdo Qoqobkii iyo xariijintii gumaystaha ayaa saxnayd awoowayaasheena iyo hooyooyinkeen qalad ayeey u dhinteen.
  • In xabsiyada adduunka ay buux dhaafsheen dhallinyaradeenii oo cid kala jecel aysan jirin oo xuquuqdooda u dooda.
  • In dhulkeenii waddama kale kala gataan oo aan xataa daah layska keen saarin sida suqaddara.
  • In xeebaheenii laga ugaarsado khayraadkeenii qashina lagu daadsho iyadoon cid looga baqayaa jirin.
  • In dadkii maatada ahaa ee caruurta iyo haweenka madfac lalayaa ku habsado laba calina is waydiin.
  • In baayac mushtarkeenii maalin kasta waddamada lagu gawraco cid is waydiisaana jirin.
  • in qurba joogteenii ka qaadaan yax yax markii magaca Somaliya la soo qaado.

Gabagabadii Mudanayaal iyo Marwooyin ma waxaad awoodi kari waydeen waxii awoowashiin iyo hooyooyinkiin 75 sano u dagaalamayeen inaad hal maalina isu taagtaan oo tiraahdaan

  • sharaf xumo geeri baan ka dooranay.
  • Qabiil qabiil in laysugu kaaya diro diidnay.
  • Dhallinyarada yadu inay xeebaha daadsanaato diidnay.
  • Badahayaga in laga ugaarsado oo qashin lagu qubo diidnay
  • Kalagoyn iyo kala qoqob diidnay
  • Wanaaga qofka jecel in nalagu diro diidnay
  • Madfac in maatayada ku habsado diidnay
  • In sidii xoolihii hadba meel nalagu bireeyo diidnay
  • In dhulkayaga lakala iibsado diidnay
  • Sumcad xumada iyo bahdilka Isimadayada diidnay
  • In magacayaga laga faano diidnay
  • In baayac mushtarkayaga la laayo diidnay…

Mudanayaal iyo marwooyinn  anigu waxaan idin oran lahaa Maalmahaas awooyasheen gaareen guusha sharafeed aan innaguna istaagno oo u isutaagno la dagaallanka kuwa summaddeena wata ee aan arxanka iyo naxariista inoo galayn sidaan uga qaban lahayn bulshadeenii magaca iyo maamuuska lahayd iyo dhulkeenii waa la oran jiray dhulkii udugga iyo dhulkii ilaahyada oo wanaaga iyo quruxda badnaa….

Wa Billaahi Tawfiiq

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply