Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

SCERDO oo tababar usoo xidhay 26 dhalinyaro ah.

Hay’adda SCERDO oo 26 ka mid ah dhallinyarada ku nool magaaladhaEdmontonee dalka Kanada ugu soo xidhay tababar shaqo-xirfadeed ah 7 bilood ah oo uga socday xarunta SCERDO.

Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta hay’adda waxbarashada iyo hurumarinta reer miyiga ee SCERDO (Somali Canadian Education and Rural Development Organization).

Xafladdan oo ay ku qalin jabiyeen arday tababar uga socdey xarunta SCERDO toddobadii  bilood ee tagay, ayaa waxaa daadihinayay Awo Hassan oo ah gudoomiyaha dhalinyarada ee hay’adda SCERDO iyadoo halkaas ka jeedisay hadallo isugu jira soo dhawayn iyo mahadcelin ku socota dadweynhii kasoo qaybgalay xaflada.

Mohamed Abdullahi Qoorleex oo ka mid ah guddiga sare ee fulinta hay’adda SCERDO ayaa isna isagoo ku hadlaya magaca SCERDO ka jeediyay hadal ku aaddan waxqabadka hay’adda iyo faaiidooyinka tababarkani u leeyahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqanEdmontoniyo guud ahaan bulshada ku nool magaaladaEdmonton.

Maryjane oo ka mid ah shaqaalaha hay’adda SCERDO ayaa  u sheegtay ardeyda inay farxada la qaybsaneyso maanta kuna boorisay inay ku hamiyaan waxqabad weyn oo ay mustaqbalka gaadhidoonaan.

Sarah Kaglik oo ka socotay xafiiska shaqaaleysiinta ee Dowladda gobolkanAlbertaayaa u mahadcelisay hay’adda SCERDO iyo ardaydii qalin jabisay iyadoo sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in mashruucan uu noqdo mid si guul leh ku dhamaaday. Sidoo kale Sarah ayaa ballanqaadday in DawladdaAlbertaay sii wadi doonto taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyaan mashruucan shaqo abuurka ah.

Waxaa xafladda soo xidhay gudoomiyaha guddiga fulinta ee SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal) oo hadal dardaaran ah ujeediyay dhaliyaradii loosoo xidhay tababarka isagoo ku adkeysay in ay ka faa’ideystaan fursadan qaaliga ah ee ay heleen kuna shaqeeyaay xirfadihii iyo hoggaamintii ay soo barteen muddadii ay ku jireen tababarka.

Ugu danbayn Guddoomiye Bashir  iyo Agaasime Anita oo ka socotay dawladdaAlbertaayaa guddoonsiiyay  ardaydii qalin jabisay abaalmarinno isugu jira shahaadooyin iyo lacag $500 ah oo la siiyo ardayda dhamaysta labada qaybood ee tababarkani ka koobanyahay.

Ugu danbeyntii xafladan ayaa lagudoonsiiyey ardayda shahaadooyin.


Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply