Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Safarkii Madaxweyne Brack Obama ee dalka Kiiniya Nairobi (Sawiro-VIdio)

Nayroobi July 20, 2015 Markii Diyaaradii gaarka u ahayd Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Brack Obama ay soo caga dhigatay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, iyadoo halkaasi ay ku soo dhoweeyeen Madaxweyne Uhuru Kenyatta, madax iyo saraakiil ka tirsan dowladiisa.

Madaxweyne Brack Obama ayaa saxiixay buugga madaxweynayaasha caalamka ee Kenya soo booqda, iyadoona kaddib ay gacan qaadeen Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Kenya. Sidoo kale soo dhoweynta Madaxweynaha Mareykanka waxaa ka qeyb qaatay diblomaasyiinta caakamka ku sugan dalka Kenya, waxaana la filayaa in Madaxweyne Brack Obama uu jeediyo khudbad ku saabsan socdaalkiisa.

Dhinaca kale socdaalka uu Kenya ku yimid hoggaamiyaha Mareykanka ayaa qaadaneysa muddo dhowr maalmood ah, isagoona booqashooyin ku kala bixinaya dalka Kenya, iyadoo meelaha uu booqanayo ay ka mid tahay dhulkii gobolkii uu ku dhashay oo ayeeyadiis ay degan tahay.

Daawo Sawirada

Ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply