Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

R/wasaare Cabdiweli Sh. Axmed Oo Ka Tacsiyeeyay Geeriidi Ku Timid Aw-jaamac Cumar Ciise

Muqdisho, December 6, 2013—– Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ka hadlay geerida ku timid tariikh-yahanka Soomaaliyeed, ahaana Qoraaga, Sheekh Aw-Jaamac Cumar Ciise oo xalay ku geeriyooday cisbitaal ku yaala dalka Jabuuti oo uu muddooyinkii u dambeeyey ku xanuunsanaya.

Ra’iisul Wasaaruha Soomaaliya waxaa uu si gaar ah tacsi ugu diray Qoyskii iyo caruurtii, ehelada, qaraabada, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Waxaana uu yiri “Waxan alle uga baryayaa inuu jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo Marxuumka oo waxbadan ay ku xasuustaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed oo sii hadlaya waxaa uu sheegay in Aw-Jaamac Cumar Ciise lagu xasuusan doono uruurinta taariikhda Soomaaliyeed iyo Suugaanta, waxa uuna kaalin mug leh  ka geystay dhowrista Afka Somaliga oo uu ka qoray buugaag badan”.

Dhamaad-

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply