Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Reer Somallilandoow Ingiriis col baynu ku ahayn kumana walaaloobi karno? W/Q Mohamoud Ibrahimim (Xaaji)

Waxaan dhegeystay Prof. Cabdulsalaam Yaasiin oo reer Burco ah oo ka warramaya maalinta 18ka May isla markaana barbar dhigaya 26ka June. Wuxuu dadka ku wacdiyayaa Somaliland iyo 18ka May in la wada leeyahay oo dadku uwada siman yahay
Isagoo arrinkaa ka hadlaya wuxuu yidhi sidatan:

“18ka May waxay inagu joogtaa wax aanay 26ka June inagu joogin. 26ka Juun dhibaato maynaan arag, Ingiriiskii wax dhib ah kamaynaan arag dalkaa, BAL HA LA SHEEGO INGIRIIS CID UU XASUUQAY AMA CID UU DHIB U GEYSTEY. Ingiriiska mucaahidaad baynu la qorannay oo protectorate baynu ahayn, protectorate-kuun baynu ku jirney”

Halkan ka dhegeyso; https://www.youtube.com/watch?v=a2EKZml71dc&feature=youtu.be

Hadalkani isagaa is fasiraya, Somaliland-ta uu ninkani sheegayaa waa taa Ingiriisku protect-garayn jirey, waa intii abbaanka iyo ciidanka u ahayd, waa intii ka soo horjeedday in Soomaaliyi Ingiriis kaxorowdo xaqna u leedahay inay gumaysiga la dagaallanto oo iska saarto. Sababtaasi waa sababta ka keenaysa hadalkan ah “ingiriiskii wax dhiba kamaynaan arag”.

Ninka sidaa u hadlaya iyo ninka 21 sannadood Ingiriis jahaadka kula jirey oo rabey inuu kan sidaa u hadlaya laftiisa xoreeyo, ee jihaadkaas ku waayey naf iyo maalba siday isku taariikh iyo isku waddan labadooda keliya iyaga u gaar ah oon Soomaali kale la wadaagin u yeelan karaan? Maalintii Taleex la duqeeyey, daraawiish oo qalcaddii Taleex dhexdeeda ku bariisanaysa oon cidi ka maqnayn immisa kun ayaa ku shahiiday halkaa maalintaa keliya Feb 1920. Immisa kun baa ku shahiidday. Duqayntii cirka ee Midhashi Jan 1920, Immisa kun baa ku shahiidday. Duqayntii cirka ee Jiidali Jan 1920 Imiisa kun ayaa ku shahiiday. Dagaalkii Jidbaale ee 1903. xarumihii carruurta daraawiishtu ku xeraysnaayeen markii duqayntu dhacday ee raggii la laayey xaggey ku danbeeyeen? Immisa kun oo carruur ah ayaa haad iyo haanraawe ka dhergey dharaartaa iyo dharaarihii xigey? TOLLA’AY OO TOLLA’AY MA MAANTAA DHEGAHAYGU MAQLI KARAAN INGIRIIS CID MA XASUUQIN!

Arrinka xaqiiqda ahi waxa weeye intii xornimada iyo madaxbannaanida Soomaalida ka soo horjeedday bilowgii qarnigii 20aad, ee Ingiriiska abbaanka u ahayd, amnigoodana uu ilaalin jirey (under British protection) ayaa maantana doonaysa gooni-goosashada iyo kala dhantaalidda Soomaalida. Intii ka soo horjeedday ee kumanaanka kun ku weyday si loo helo Soomaali xor ah waxba kuma laha taariikhdaa goonni-goosashadu sheegato lamana wadaagto. Hadalkana waxa caddeeyey Prof. Cabdisalaam Yaasiin markuu yidhi “BAL HA LA SHEEGO INGIRIIS CID UU XASUUQAY AMA CID UU DHIB U GEYSTEY”. Waa runtiisoo cidda uu Somaliland u yaqaanno ee reer Sheekh Isaxaaq waxay ingiriis isu ahaayeen gaashaanbuur is ogol.

Aniga oo Taleex ku dhashay oo markaan yaraa taariikhda Daraawiishtu ka mid ahayd cuntadaan quudan jirey, hu’gaan xidhan jirey, geesiyadaan hiigsan jirey, dabkaan dhaxanta ka dugsan jirey sidee baannu Prof. Cabdisalaam Yaasiin isku xusuus u noqonaynaa (Collective memmory)? Sidee wax wada lahaansho aannu Soomaalida kale kaga duwannahay isugu waafaqaynaa?

Bal taariikhdan hoose iyo hadalka Prof cabdisalaam Yaasiin siday isugu markhaati furayaan dhugo. Waxa xaqiiqo ah taariikhda aad rabtaan inaynu ku midoowno waa mid aynu col ku ahayn ee aynu iskaga soo horjeednay. Dhibka iyo xasuuqa Ingiriisku dadkayagii daraawiisheed u geysteyna waxa qayb ka ahaa reerihii Ingiriisku ilaalinayey sida ninkan ferenjiba sheegayo.

Nin Ferenji (Ingiriis) oo 1903 buug ka qoray dagaalladii daraawiishtu ay kula jireen Ingiriis iyo cawaankiisa waxa hadalladiisa ka mid ahaa

“……For some time he [Sayid Maxammed] has travelled about Somaliland, pillaging the various districts and attacking the peaceful tribes. But it was not until he quarrelled with a certain tribe living in our Protectorate that we took any notice of him….” BRERETON (1903)

Meel kalena wuxuu yidhi sidan hoose isagoo ka hadlaya qabiilooyinka Ingiriisku ilaalin jirey

“In due time his preparations were completed, and he then began to give us further trouble. First, it was by raiding a tribe who lived under our protection and then by stealing camels from Berbera itself. In one way and another he has steadily made himself a pest to the country, and as he is as cruel as he is unscrupulous, the people have suffered terribly at his hands”. BRERETON (1903)

Mar kalena waa kan.

The Foreign Office, which governs this Protectorate, gave orders that a field force should be prepared for service in Somaliland. In January, 1901, the force did not exist, but, by dint of superhuman exertions, fifteen hundred natives were got ready for the fray at the end of May. They consisted almost entirely of Somalis from the neighbouring friendly tribes, and they were trained and taught to use the rifle by a select band of British officers, than whom there are none more expert at this class of work. BRERETON (1903).

Gebagebadii, Prof Cabdisalaam Yaasiin iyo inta ay taariikhda isku si u arkaan waxaan odhan lahaa, walaalo kuma nihin taariikhdii gumaysiga Ingiriiska oo midkeenna ilaalinayey kan kalena laga ilaalinayaye, walaalo waxaynu ku nahay derisnimda, Soomaalinnimada iyo Islaamnimada ee intaa ma ku midoownaa oo dalkii aynu walaalaheenna kale ee Soomaaliyeed aynu wada dhisannay 1960-kii ee caddalad darrada iyo maamul xumadu inooga burburay ma u qalab qaadannaa sidaynu cadaalad iyo wax wada lahaansho sugan ugu wada yeelan lahayn. Taasaa innaga iyo walaalaheena kale ee Soomaaliyeed ee reer koonfureedba ina wada deeqdee. Reer Somaliland inta maanta sheegataay walaalo waynu nahay, mana kala maaranno, waynuna is hurran nahay ee ha ka ilduufina waxa aynu walaalaha ku nahay ee ina midayn kara.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply