Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Raisul-wasaare Saacid oo ka been sheegay mabaadii’da ay aaminsan tahay Fowsiya Yusuf Xaji Adan, sida Distuurka NDP faqradda labaad qorayo waxay ‘aminsan tahay ilaalinaysaana, gooni isu-taagga iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland’

Raisul-wasaare Saacid oo ka been sheegay mabaadii’da ay aaminsan tahay Fowsiya Yusuf Xaji Adan, sida Distuurka xisbigeedii NDP faqradda labaad qorayo waxay ‘aminsan tahay ilaalinaysaana, gooni isu-taagga iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland’

Raiisul-salwasaaraha Dowladda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa dhawaan wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC sheegay in Fowsiya Yusuf Xaaji Adan aaminsaneyn kala go’o soomaaliyeed, isla markaana xusbigeedu u ololeynayn kal go’o, isagoo sheegaay inuu soo akhriyay distuurka xisbigeedii NDP, (halkan ka dhageyso)

Hadabba kadib markaanu baadhitaan dheeraada ah ku sameynay amuurtan, waxaan idiin soo min-guurinayaa distuurka Xisbigii NDB ee Fowsiya Yusuf Xaaji Adan gudoomiyaha ka ahayd, isla distuurkan faqradda labaad ee mabaadii’da xisbiga wuxuu u qoran yahay sidan “NDB wuxuu aaminsan yahay, ilaalinayaana, gooni isu-taagga iyo
jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland
 (halkan ka akhri mabaadii’da xisbiga oo dhamesysiran).

Anagoo tixraacayna hadalka ka soo yeedhay Raisul-wasaaraha oo runtii baal marsan xaqiiqda dhabta ah, isla markaana uu ka been sheegay mabaadii’da ay aaminsan tahay Marwadda uu dhawaan xilka Raisalwasaare ku-xigeenka iyo Wasiirka Arimaha Dibadda isuga daray waxay ceel dheer ku ridi doontaa midnimadda iyo wadajirka umadda soomaaliyeed.

Waxaa kalsoo isa soo taraya dhaleeceynta iyo cambaareynta lagu cambaareynayo Dowladda ay hogaaminayaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raisul-wasaare Saacid, iyadoo la sheegay inayna ahmiyad dheeraadda ah siineyn midnimada soomaaliyeed, sioo kale magacaabida Fowsiya waxay daaha ka fayday khibradyarida siyaaseed ay durba soo banbaxday tasoo soo dedejin karta fashil ku yimaadda dowladda dhawaan lagu soo dhisay mugadishu.

Maxamed Jama

Inasugaal@hotmail.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag