Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul Wasaare Gaas oo Noqday Musharaxii Labaad oo Buuxiya Shurruudaha Musharaxnimada

Muqdisho:  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gudbiyay Arjigiisa Musharaxnimo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa buuxiyay dhamaan shuruudihii ay soo gudbiyeen Gudiga Doorashooyinka Madaxtinimo ee dalka.

Kadib markuu u gudbiyay Gudiga Doorashada Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa saxaafadda kula hadlay xarunta golaha shacabka oo aheyd xaruntii la geynayay Araajida Musharaxiinta.

Wuxuuna R’iisul Wasaaruhu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta gudbiyay arjigii musharaxnimo, isagoona intaasi ku daray iney guul u tahay shacabka Soomaaliyeed in Caasimada dalka ee Muqdisho lagu qabto doorashooyinka Madaxweynanimada markii ugu horaysay mudo 45 sano ah, kuwaas oo ka dhici jiray labaatankii sano ee lasoo dhaafay dalka dibadiisa.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashooda uu waxbadani ka qaban doono Arrimaha Amniga,Dhaqaalaha, Waxbarashada, Shaqo la’aan, Caafimaadka, Dib u dhiska dalka, La dagaalanka musuq maasuqa, Kana shaqeyn doono sidii loo hormarin lahaa arimaha Cadaalada.

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
             +252-699270033
Mogadishu, Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag