Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisul wasaare Cumar oo ka qeybgalay Salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Bari Bari

Allaha u naxariistee Danjire Yuusuf Ismaaciil Bari Bari oo ahaa Safirkiikii Soomaaliya u fadhiyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland oo 27 ka bishan ku geeriyooday weererkii ka dhacay Hoteelka Maka Al-mukarama ayaa maanta Meydkiisa loo duuliyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal halkaas oo lagu aasi doono saacadaha soo socoda sida uu qorshuhu yahay.

Inta aan laga duulin garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa salaadda Janaazada ku dukaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali,boqolaal dad ah isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda,Qaar kamid ah safiirada u jooga Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah mas’uuliyiintii ka qeybgalay salaadda Janaazada oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay ka tacsiyaynayaan geeriyada ku timid Allaha u naxariistee Danjie Yuusuf Bari bari oo kamid ahaa dadkii Soomaaliyeed oo kooxda nabad diidka ay ku laayeen Hoteel Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Janaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini oo warbaahinta Qaranka kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa dhankiisa taci u direy ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Danjire Yuusuf Bari Bari.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 
Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply