Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda Puntland oo ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay sanadguuradii 60aad ee xuska maalinta Calanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxda dowlad gobolleedka Puntland ayaa si wadajir ah uga qeyb-galay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland munaasibad lagu maamuusay xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed oo ku beegan manta oo taariikh-du tahay 12-ka October.

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland, Mudane Cabdiweli  Maxamed Cali “Gaas”, Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, masuuliyiinta golaha Xukuumadda iyo Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, labada golle ee dowlad gobolleed Puntland, hoggaamiyeyaasha Dhaqanka, iyo shacabka reer Garoowe ayaa  ka wada qeyb-galay munaasibadda 12 October oo ah maalinta Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Garoowe lagu qabtay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed,  oo munaasibadda Calanka Soomaaliya lagu xusayey khubad dheer ka jeediyey ayaa hadalkiisa ku bilaabay  heesta (Calanka )“maanta waa maalin ku weyn guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaan  ugu hambalyeynayaa munaasibadda maalinta Calanka oo ah mid waajib nagu wada ah dhammaanteed inaan xasuusanno, si aan u muujino jirataanka iyo madax  banaanida dalkeenna”.

“taariikh halgan dheer soo qaadatay ayuu soo maray Calanka Soomaaliyeed,  waxaan u jeedinayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed in ay u midoobaan sidii aan u illaalin lahayd karaamada iyo Xurmada uu Calankeenu nagu leeyahay, ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cabdiweil Sheekh Axmed ayaa yiri “ dowladda Soomaaliyeed waxa ay dooneysaa midnimada dadkeeda, dowlad gobolleedka Puntland iyo shacabkeedu aad baan ugu ammaanay doorka ay ka qaadanayaan Midnimada dalka”.

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa isagana khubad ka jeediyey xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed oo yiri “Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland waxaan ugu hambalyeynayaa maalintaan nagu wada weyn, waxaan diyaar u nahay inaan gacmaha is qabsanno oo aan Midnimada ilaalino”.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamaanka Soomaaliya, Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa iyagana ka hadlay munaasibadda hambalyana u jeediyey Ummadda Soomaaliyeed.

www.ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply