Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qurbajoogta Soomaalida oo u istaagay Xoraynta Ogadeeniya: Shirkii Boston

Xaflad aad u balaadhan oo lagu soo bandhigay cududa iyo midnimada Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Boston iyo nawaaxigeeda ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Boston. Xafladan oo ay agaasinkeeda lahaayeen xubna ka tirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa waxaa isugu yimid dhamaan bulshada qeebaheeda kala duwan.

Xafladan ayaa waxaa kaloo kasoo qaybgalay xubno ku caana dhaqdhaqaaqa xorayta dhulka Soomaalida sida Abwaanad Roodo Ibraahim Cabdi Af-Jano, Halgamaa Xasan Cabdi Xiis, Halgamaa Safiyo Cabdi, Halgamaa Siciid Xasan, Wariyihii gabadha ee ugu horeeyay ee ka hadla Talafiishanka Qaranka Nimco iyo Halgamaa Cali Maxamed Axmed (Cali Yare)

Xafladan ayaa waxaa ay ku bilaabantay wacyigalin loo sameeyay shacabka meesha ay xaaladu maraso, mabda’a ururka ONLF oo hada hormood ka ah xornimo gaadhsiinta dhulalka inaga maqan siiba Ogaadeeniya, iyada ugu danbayn laysla wada qaatay in loowada guntado Af, Adin iyo dhaqaalaba in aan la’lumin fursada dahabiga ah siyaasadeed ee Bariga Afrika ka aloosantay ayna muhim tahay sidii gumaystihii reer yurub uga huleeleen dhulka Soomaalida inay Itoobiyana xamaanteeda uga urursato dhulkeena si nabad ah hadii la waayona loo diyaar garoobo qasab kusoo celinta dhulkaa Ogaadeeniya.

Xaflada ayaa waxa ay u dhacday sidatan iyada oo markii hore fursad lasiiyay martisharafta xubnaha ka ah ururka ONLF kadibna Jaaliyada, Cajaladan ayaa waxaad ka heli kartaa qudbadihii xubnaha ururku ku xog waramayeen waxayna u dhacday sidatan

 

Dhinaca kale waxaan idiin soo gudbinanaa Jawaabihii ay Jaaliyadu ka bixisay codsigii ONLF ee ahaa in siwayn loo garab istaago Halganka oo soo gaadhay goob xasaasi ah una baahan taageerada dhamaan umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay ka joogaan dunida daafaheeda.

Cabdulaahi Gurxan oo ah odoyada reer Boston waxa uu isna yidhi ONLF Boston iyo Midaynta Soomaalida

Cabdiraxmaan Hiiraamoow ONLF Boston iyo Midaynta Soomaalida Madaxa ururka Siyaasadeedka SOCONE:

Guulwade oo isagu ahaa Saraakiishii ciidanka xooga Dalka ayaa isna kaga qaybqaatay kulanka ONLF Boston iyo Midaynta Soomaalida.

Wasiir Cali Faysal oo kasoo shaqeeyay dawladiihii kumeelgaadhka ahaa ee Soomaaliya ayaa isna kaga qaybqaatay halgan ay ONLF doonayaan inay ku mideeyaan cudada Soomaalida si uu halganku u midho dhalo ONLFBoston iyo Midaynta Soomaalida

Shamahaad Xalwo oo kamida xubnaha Soomaalida reer Boston aadka ugu ololeeya inay dadka Soomaaliyeed helaan fursad ay iskood ugu doortaan cida siyaasad ahaan matalasa ayaa iyaduna waxay goobta ka sheegta taageerada ay u hayso uruka ONLF waxayna xafalada kaga qaybqaadatay ONLF Boston iyo Midaynta Soomaalida.

 

Maxamed Aadan oo ah siyaasi ruug cadaa ah isga oo reer boston ku amaanay sida ay reer Boston had iyo goor ugu taagan yihiin taakuleenta iyo isgarab taaga ONLF Boston iyo Midaynta Soomaalida.

Guray Xaaji Xaashi ONLF Boston iyo Midaynta Soomaalida

Suldaan Mahdi Cali gudoomiye ku xigeenka SOCONE oo isgu shaaca ka qaaday inuu taageerada ugu xooga badan uu la garab taagan yahay ONLF Boston iyo Midaynta Soomaalida.

 

Cabdiraxmaan Yuusuf madaxa SDC sidoo kalena waxa uu yidhi ONLF Boston iyo Midaynta Soomaalida.

 

Bacalwaan Nageeye oo isna ka mida odoyada reer Boston isna waxa uu yidhi ONLF Boston iyo Midaynta Soomaalida.

Daawo Sawirada Kulankii u midaynta Soomaalida halganka xorayta Ogaadeeniya  ee ka dhacay Boston, Fiiro Gaara waa soo socdaa warkani wali!!

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply