Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qudbadihii Waxgaradka reer Boston ku hoga tusaaleeyeen Dawlada cusub ee Soomaaliya

Habeen nimadii sabtida ayaa waxaa magaalada Boston ka dhacay xaflad aad u wayn oo lagu taageerayo dawlada cusub ee ka dhalatay Soomaaliya, Xafladan oo ay ka hadleen dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan nala daawada qaybtii ay aqoonyahanada Jaaliyadu ku hoga tusaaleeyeen dawlada cusub ee Soomaaliya siiba Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wasiirkiisa 1aad Axmed Cali Khayre.

Ugu horay   Qudbadii uu kala dardaarmay dawlada iyo shacabka Mudane Maxamuud Taako ee Xaflada Boston  ayaa u dhacday sidatan

Qudbadii ay kula dardaarantay dawlada iyo shacabka Marwo Shamhaad Xalwo ee Xafladii Boston tasoo hoga tusaaleenasay dawlada inaysan ku dhicin qaladaadkii hore, Shamhaad ayaa ah iyadu Aqoonyan aad ugu xeeldheer siyaada Soomaalida wax badan kasoo shaqaysay dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ritoos ayaa ka sheekeeyay Taariikhda Madaxwayne Farmaajo dadkii xaflada Boston joogayna aadbay ugu riyaaqeen.

Waxaa isna qudbad tafatiran uu kala dardaarmay dawlada iyo shacabka soo jeediyay Kornayl Shaale Xafladii Boston waxa uuna yidhi

Waxaa isna Qudbad uu kala dardaarmay dawlada iyo shacabka soo jeediyay Mudane Cabdirisaaq Cali Baale.  Xafladii Boston nala daawo iyana..

Waxaa isna Qudbad uu kala dardaarmay dawlada iyo shacabka ku dul akhriyay  Mudane Nageeye Aadan Xafladii Boston, tasoo wax badan ka sheegasay xaalada dalka waatan ee nala daawo..

Qudbadii Kornay kiimiko ee xaflada Boston isaga oo ka hadlay inuu la dhashay madaxwayne Farmaajo iyo in kale..

Qudbadii uu kala dardaarmay dawlada iyo shacabka Mudane Maxamed Aadan Gudoomiye Xafladii Boston oo ahayd mid aad u qiiro badan nala daawo…

Gabogabdii iyo Gunaanadkii Qudbadii uu Suldaan Mahdi Cali ku soo afmeeray Xafladii reer Boston ugu dabaaldagay guusha madaxwayne Farmaajo iyo raysalwasaarihiisa Khayre.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply