Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qudbadihii Madaxyada Gudiyada Jaaliyada Boston ee ay ku soo dhaweenayeen dawlada Cusub ee Soomaaliya


Cabdiraxmaan Yuusuf  Madaxa SDC  oo ah haayada ugu horeesay ee bilowday in ay jaaliyada ka caawiso dhinaca istimaaciga ayaa dawlada kula taliyay in dawladu xoojiso waxbarasha iyo Isboortiga dhalinyarada, shaqo abuur in loo sameeyo shacabka si ay shaydaanka ula ciyaarin.

 

Maryan Gaas oo ah Madaxa RIAC. Ayaa Madasha ka cadeesay in khilaafka Soomaalida ay ka danbeeyaan Raga Soomaaliyeed, balse dhinicii dumarka Bilad geesiyaad iyo Sharafba siisay. Waa inaan isku tashanaa waayo dad yar oo dhul khayraad badan haysta iyada oo dawlada u sheegtay Rag Rag haysta ayaa meel gaadha.
Saciid Ahmed   Madaxa USY  Ayaaisagu hadalkiis akusoo koobay saabiixtinamada u dhaxaysa isaga iyo Madaxwaynaha Soomaaliya.

 

Deeqo Jibriil Madaxa SCCA oo iyada u ordasa inay noqoto latiliye duqa magaalada Boston siiba xaafada ay soomaalidu ubadan tahay ee Roxbury. Deeqo ayaa u sheegtay inay shingaani kasoo diga rogatay iyada oo madaxwaynaha ka codsatay inay doonaso inay dalka kusoo noqoto. ugu danbayna ka codsatay Jaaliyada inay si buuxda u garab istaagaan. Deeqo hadii ay ku guulaysato Jagadan ayaa waxay dhirbaaxo ku noqonasaa dadka baryahan danbe caadeestay inay wax ka sheegaan qaxootiga.

Cali Baashe oo ah madaxa  FAANOOLE , oo ah haayad u dhaqdhaqaaqda xuquuqul insaanka isga oo sheegay inuu shaqadiisa ugu badan inuu ka qabtay magaalada Kismaayo, Cali ayaa dawlada ugu hanbalyeeyay. Cali ayaa Baarlamaanka ka codsaday inay Baarlamaanku siyaan codkooda si uu dardar u galiyo hawlaha dawlada.

Maxamed Xabeeb oo haatan ah kusiisimaha ururka SOCONE   oo u dooda xaqa dadka Soomaalida ee gobolkan ayaa madasha ka soo jeediyay Gabay aad u qiiro badan, Sidoo kalena ka hadlay dayaca haysta dadka ku dhaqan dalkeenii oo run ahaantii sheegay in ay tahay wax aan caqliga galayn. Gabayka dhalinta dhugo goor dhaw…

 

Yaasmiin Daahir  oo madaxwayna hada ka ah Somali American Youth Parents Association SAYPA.ORG. Ayaa iyadu sheegatay in hada lasoo gaadhay wakhtigii aan ka fikiri lahayn mustaqbalka caruurta madaama ay suuro gal ahayn in haatan lagu noqdo Soomaaliya. Samiira ayaa iyadu si aada ugu dheeraatay in loo tabaabu sheesto ku noolaansha wadankan, fadhiga laga koco dhaqanka loo gudbiyo jiilka soo kacaya, Afsoomiilaga la nooleeyo, Diinta lagu dhaqmo, ugu danbayna hanbalyo u dirtay Dawlada Soomaaliya iyada oo waliba sheegtay inay diyaar u yihiin SAYPA ahaan in ay ka qabqaataan kharashaadka Ciidamada 6 bilood ee fooda inagu soo haya.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply