Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qoysaska Barakacay ee Kismaayo oo ka Cabanaya Nolol xumo

Dadka barakacay ee Kismaayo ayaa ka cabanaya xaalad adag oo dhinaca nolosha ah oo ay ku wajahayaan kaamamka, iyagoo sheegay inaanay haysan caawimaad bini’aadannimo iyo daryeel caafimaad toonna.

Qoysaska ayaa ka sheeganaya dhibaato bini’aadannimo, iyadoo haweenka iyo carruurta ay yihiin dadka ay saameynta weyn ku yeelatay dhibaatada, sida uu sheegay Siidi Deerow oo ah hor-jooge mid ka mid ah xerooyinka ku yaalla Kismaayo.

Siidi waxa uu ka codsaday hay’adaha samafalka ee gudaha iyo kuwa caalamiga inay u gargaaraan dadka dhibaataysan ee baahida weyn u qaba kaalmo bini’aadannimo.

Qoysaska ayaa ka soo barakacay dhibaatadii abaartii iyo macluushii ka dillaacday koonfurta Soomaaliya sanadkii 2011 iyo colaadda ka taagan qeybo ka mid ah gobollada koonfurta dalka.

Waxaa la sheegay in xerooyin ka badan 50 ay ku yaallaan magaalaada Kismaayo.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag