Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qormada Quuriwaa Q-2aad Jawaabta Jidbaale

Qormada Quuriwaa

Jawaab Q-2aad

Abuu Hureyrah (radiyal Laahu Canhu) wuxuu yiri: Nebigu (sallal laahu calayhi wasalam) wuxuu yiri: Iska Jira xaasidnimada, maxaa yeelay xaasidnimadu waxay u cuntaa xasanaadka sida dabku u cuno xaabada.’

Sababta aan sidaa usoo daliishaday waxa ay tahay bal inay wax cabsiya gasho Webka Jidbaale.com waxa uu wado iyo waxa meesha yaala aynu isu eegno.

Munaasabad ay ku qalin-jabiyeen 115 arday oo wax ka bartay Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood isuguna jiray rag iyo dumar ayaa lagu qabtay xarunta ay ku leedahay jaamacaddu magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha Jaamacadda, Prof. C/risaaq Maxamed Aadan (Lafoole) oo ka warbixiyey guulihii ay 10-kii sano ay jirtay gaartay. Prof. Lafoole ayaa sheegay inay shan kuliyadood ay ardaydani dhamaysatay, kuwaasoo ay ka mid yihiin  kuliyadda caafimaadka, shareecadda, luuqadaha, cilmiga kambiyuutarka iyo maarayta ganacsiga.

Madaxa shirkada isgaarsiinta Golis ee gobolka Sool, Sheekh Aadan Cali Nuur oo ka mid ahaa ardaydii dhamaysatay kuliyadda shareecada ayaa sheegay in uu ka mid ahaa ardaydii jaamacaddii Umada Soomaaliyeed ku guulaystay 1990-kii, balse aan nasiibka u yeelan inay wax-bartaan, isagoo xusay inay ahayd inuu 20-sano ka hor qalin-jabiyo, balse dib ugu suurogashay inuu ka baxo maanta waxbarashadii jaamacadeed ee ugu horreysay.

Taasi waa marqaatiga guulaha iyo horumarka uu gaarsiiyay Deegaanka iyo Jaamacada Nugal,  pro. C/risaaq Maxamed Aadan (Lafoole), markaynu aragnay waxa kajira Laascaanood iyo waxa uu qorayo Jidbaale sowkuma cada calaamadihi xaasidka , iyo inuu quuriwaa lasoo golatagay.

Waxaase isaga qaldan raga siyaasada iyo ciidamada u xilsaaran xoraynta deegaanada SSC iyo dadka waxbarashada iyo horumarinta nolosha aasaasiga ah ka shaqeeya.

Qofwalbaa oo masuul ka goobaha adeega dadwaynaha, waxbarasho iyo caafimaad tay doonto ha ahaatee magaalada Lascanod,  wuxuu ku qasbanyahay inuu wada shaqayn layeesho maamulka meesha gacanta ku haya oo ka taliya, taasina wax qof gooni ku ah ama lagu dacayadeeyo noqonmayso,

Lasoco qaybaha dambe

Ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply