Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qormada Quuriwaa, Jawaabta Jidbaale

Qormada Quuriwaa

Jawaab Q 1aad

Bismilah.

Qormada Quuriwa waxay daba socota qoraal aan ka daalacday boga Jidbaale oo aan ku saleeyay inay tahay nooc minal xaasid waana calaamadaha lagu garto dadka sidaa u fakara.

Xaasid nimada waa cudur ku dhaca dadka qaarkii, waana sifo xun oo bulshada dhib iyo hagardaamo u keena, waana shay caalamka oo dhami kamidaysan yahay inuu yahay sifo xun, islamarkaana ay Diinta Islaamku reebtay, waxaana Quraanka ka mida 3 suuradood oo laysaga ilaaliyo sharta xaasidka iyo xiliga uu wax xasdaayo,

Pro.Cabdirisaq Maxamed Adam  Lafole oo aan ogahay inuu yahay qof xaga diinta iyo maadigaba kadhisan waxan xasuusinaya isaga iyo inta quuriwaaga xaasidku haysataba inay Alle ka magan galan.

Qiimaynta qofka ee aad doonayso inad usoo bandhigto bulsho adigoo doonaya inad tusto xumaanta uu leeyahay marka hore intaadan talaabada qaadin adiga bal saar miisan, imisa arday ayaa ka qalin jebisay Jaamacada Nugal inta uu maamulka u hayay Cabdirisaq Lafole, Ardada Jaamacada waxkubarata miyaysan ahayn dadkii kasoo jeeday Deegaamada SSC,

Pro. Cabdirisaq Maxamed Adam oo haysta dhalasha Maraykanka halkaana ku noola mudo, haystay shaqo iyo nolol ku filan isaga reerkiisa nabadgalyo iyo caafimaad, waxa uu go aansaday aqoontiisa inuu uga faideyo dadkii uu ka dhashay, isagoo og colaada kajirta wadankii ayuu taa u bareeray,

Wuuna ku amaanan yahay inta aqoonta iyo caqliga la saaxiibka ahna way u ogtahay doqona yeelkadeed.

Webka layiraahdo Jidbaale, waxan oran laha qormadasi waxay kaaga wacnayd inad halka ay ku haboonayd la beegsato, arimaha qaar hadaad kaga hadli lahayd waxa laga yaba in laguu garaabo iyadoo lawada ogyahay deeganada Dhulbahante maanta xaalada ay ku sugan yihin iyo waxa kajira, tani waa talaabo sumcad xumo oo aad ku shaabadaysay webka jidbaale.

Xigasho:AllHawd

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply