Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qoondadii-Dumarka Qisadii Iga Raacday! W/C: Axmed-Assad

Waa tix kooban oo aan tiriyay markii booskaan u sharaxnaa ee Aqalka Sare qoondo-dumar kali ahi ku tartamaan loo bedelay!
Haduu calafkay galo aqalka sare waan heli lahaaye
Tolku ima hagrane waaxidkaan qorin hadeertaane
Qalbigaan ku sii hayn dadkii igu han waynaaye
Kuwii ila hareer joogay talo ee hantida dhiibay
Ma hilmaami karo abid kuwii hawsha ii galaye
                                ****
Madaxweyne Camay waa halyay waana la hubaaye
Waa hanad libaaxoo yaqaan hab iyo maamuuse
Haybada iyo muuqa iyo cilmiga hibada loo siiyay
Waa hadiyad eebbe u gartiyo hodan barwaaqaade
Ma hilmaami karo abid kuwii hawsha ii galaye
                                ****
Hadiise laygu yiri booskayaga dumar haloo daayo
Beel caalambayna haysatee haween u qoondeeya
Inkastoon u hawlamay beryoon hawdkana u seexday
Ama hiirta waabari  hurdada hore ka soo toosay
Himiladaan lahaa jeerkan waan soo hakinayaaye
Hadaan uga tanaasulay kuwii hadiyad loo siiyay
Hambalyaan u dirayaa waqay hibadu raacdaaye!
                                ****
     Axmed-Assad M.M (Awaare)

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply