Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qodobada ay Ku Heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland

Wada hadaladii u dhexeeyay dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee ka socday Wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa la soo gaba gabeeyay, iyada oo laga soo saraay qodobo lagu heshiiyay.

Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah:-

In la dar dargeliyo wada hadalada labada dhinac, isla markaana waqti lagu jaangooyo.

In arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah lagu dhiirado, lana fuliyo waxyaabihii horey loogu heshiiyay.

In laga fogaado wax kastoo wada hadallada carqalad gelin kara

In aan la siyaasadeen deeqaha beni’aadannimo, maashaariicda dib u dhiska lana dhiirageliyo.

In la fuliyo heshiiskii hawada ee labada dhinac u dhaxeeyey, iyadoo hab farsamo lagu saleeyo.

In Wada hadalada laga qeyb geliyo dowladda Jabuuti, marka loo baahdo.

In  si wadadjir ah looga wada qeyb-galo wada hadallada labada dhinac u dhaxeeya, iyadoo khubarro farsamo iyo dowlado saaxiibo ah oo ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland loo saaro arrintaan

In wada hadalada xiga ay dhacaan  26-27-ka ee bisha February ee sanadka soo socda laguna qabto magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, si arrimahaan loo sii ambaqaado.

 Akhriso Heshiiska oo Qoraal ah

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply